Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

SMI: Iska tallaal polio haddaad soomaaliya safar ugu kicitimayso Cudurka dabeeysha oo Soomaaliya ka dillaacey

La daabacay tisdag 13 augusti 2013 kl 12.32
Haddaad ka shaki qabto istallaal mar kale
(3:21 min)

Laga bilaabo bishii maajo ee sannadkan 2013 Qiyaastii 65 ruux ayuu asiibey cudurka dabeeysha sida lagu sheegay warar laga soo xigtey dalka Soomaaliya iyadoona ey tiradu aad kor ugu sii kacdey toddobaadyadii ugu dambeeyey.

Bulshada soomaalida ee ku dhaqan waddammada dibbadaha ayaa lagu talo gelineyaa iney tallaal isaga dhuftaan cudurka dabeeysha ama qalalka loo yaqaanno kolka ey u safreyaan Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa ah markii ugu horreeysey ee dalka Soomaaliya laga helo cudurka qalalka wixii ka dambeeyay sannadkii 2007. Halka dhanka kale lagu soo warramey siddeed ruux oo cudurku asiibey ee xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Keenya, halkaasina ey ku sugan yihiin boqolaal kun oo qaxooti soomaali ah.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddammada ugu hooseeya tirada dadka ka tallaalan cudurka qalalka ee afka cilmiga lagu yiraahdo (Polio). Tiro gaarsiisan 47%. Cudurka qalalka, mararka qaarkoodna lagu magacaabo ”qalalka dhallaanka” oo uu keeno fiirus lagu magacaabo ” Poliomyelit” ayaa ah mid si dhakhsa ah u faafa sidaa daraadeedna laga bilaabey howlgallo lagu tallaaleyo waddammada deriska la ah Soomaaliya iyo Soomaaliya qudheedaba.

Tiia Lepp, oo ah sarkaalad ku takhasustay cudurrada faafa kana howlgasha hayadda ka hortagga cudurrada faafa ay sheegtay mar aannu wareeysi kula yeelaney khadka telefoonka in hayaddu talo ku siineeyso dhammaan soomaalida iyo dadyoowga kale ee u safraya nawaaxiga Geeskla Afrika iney iska tallaalaan cudurka qalalka, qof weyn iyo qof yarba.

-  Waxaan ku talinenaa in la iska talaallo cudurka dabeeysha ee loo yaqaanno Polio intii aan safar loogu kicitimin Soomaaliya.

Dhallaanka dalkan ku barbaara ayaa caadiyan tallaalka dabeeyshu ka mid yahay tallaalada qorsheeysan ee dhallaanka la siiyo. Haddiise ruuxu isaga oo weyn dalka soo galey, oo aannu war ka hayn ama ka shakisan yahay in horay looga tallaaley cudurka iyo in kale ay wanaagsan tahay in la iska tallaallo cudurka qalalka haddii safar loogu kicitimeyo Soomaaliya, sida ay sheegtay Tiia Lepp:

Haddiise shakhsigu uu dalkan ku yimid carruurnimo oo tallaalka uu yaraan ku qaatey hase yeeshee u kicitimeyo Soomaaliya isaga oo qaan-gaarey ama da’ ka weyn, waxaa wanaagsan inuu mar kale is tallaalo ammaanka caafimaadkiisa/keeda daraaddii, hase yeeshee aaney dhallaanka tallaalan u baahneyn mid kale, sida ay sheegtay Tiia Lepp, oo ah sarkaalad ku takhasustay cudurrada faafa kana howlgasha hayadda ka hortagga cudurrada faafa.

Waxaa intaa dheer in lagu dadaallo nadaafadda, maadaama fiiruska cudurka keenaa yahay mid si sahlan ku faafa.

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".