Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Foto: Hasse Holmberg/Jessica Gow/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Dhisida guryaha waxaa hortaagan racfaan qaadashada

Qorshoyaasha lagu dhisayo guriyo cusub badanaa waxaa hortaagan racfaanka loo gudbiyo maxkamada qaabilsan dhulka iyo bay'adda. Sannadkan keliya qaybtiisa hore 12 00 oo racfaan ah ayaa maxkamada la gaarsiiyey.

 Racfaanada la gaarsiiyo maxkamadaha ayaa badanaa qaata waqti dheer taas oo keenta in uu hakad galo dhisida guriyaha cusub ayada ay qaybo badan oo waddanka kamid ah ay ka jirto guri la'aan baahsan, gaar ahaan guriyaha ardeyda. Chris Österlund oo maareeye u ah hayadda guriyaha ardeyda Stockholm-Stiftelsen Stockholm studentbostäder ayaa aaminsan in racfaanka badan uu saameyn weyn leeyahey

- Sameynta waxaa kamid ah in aanan dhisi karin guriyo badan si dhaqso ah oo u dhiganta baahida jirta. Qorshoyaasha dhismo qaarkooda ma suurooban madaamada racfaanka oo waqti dheer qaato uu keeno in uu kaco qaroshadka dhismaha. Mararka qaaran waxuu keenaa in dhismaha uu ka daaho xilligii loogu talo galay.

Ayuu yeri Chris Österlund. Waxuuna intaas ku darey in ay ku qaadato ku dhawaad mudo u dhaxeyso shan illaa toban sanno inta ay meelmarinayaan qorshoyaashooda dhisme magaalada Stockholm.

Dacwadaha ka dhanka qorshayaasha dhismo ayaa marka hore lagu soo tijaabiyaa her degmo iyo gobal inta aan racfaanka loo gudbin maxkamada dhulka iyo bay'adda. Marka laga hadlayo qoryaasha dhisme, tusaale dhismayaasha guriyaha ardyeda ee Stockholm iyo Göteborg ayaa boqolkii 60 waxaa laga qaata racfaan. Badanaana dadka qorshoyaasha dhismaha racfaanka ka qaata ayaa ah dadyowga dariska la ah meesha la qorsheynayo in guri laga dhiso. Wasiirka guriyeynta Stefan Attefall ayaa aaminsan in uu gabaabsi ka jiro dhanka nidaamka.

- Racfaan qaadashada waa mid faro badan, saas darteed ayaa hada u saarnay gudi soo baaro sida loo xakameyn karo inta daba-qadood oo racfaan loo qaadan karo. Sidoo kale waxaan dooneynaa in aan jilcino processka , taas oo yareyn doonta inta goor oo racfaan la qaato. Waa in sharcigeenu ahaado mid amniya laakiin waxaad moodaa in aan heysano nidaam aad u sahlaya racfaan qaadashada, ayuu yeri wasiirka guriyeynta Stefan Attfall oo dhanka kale katirsan xisbiga KD.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".