Qalliinka indhaha ayaa ugu badan qalliinka dalka dibeddiisa lagu sameeyo. Sawirle: Björn Larsson/Scanpix.

Daryeelka caafimaadka ee dalka dibeddiisa loo doonto

Daryeelka caafimaad ee Iswiidhen dibeddeeda laga doonto
4:04 min

Kowda bisha Oktoober ee sannadkaan waxaa dhaqangeliya sharci cusub oo muwaadiniinta iswiidhishka xaq u siinaya in ay daryeel caafimaad u doontaan dalalka kale ee Midowga Yurub. Ilaa hadda waxaa la soo isticmaalyaayey go’aan ay soo saartay maxkamadda Midowga Yurub. Go’aankaas Maxkamaddu wuxuu keenay in uu Midowga Yurub soo saaro qaraar hadda Iswiidhen ka noqonaya sharci cusub. Haddaba sidee ayuu sharcigaan cusubi ugu fududeynayaa dadka iswiidhishka in ay daryeel caafimaad u doontaan dalalka kale ee Midowga Yurub. Waa tan Viktoria Sjöberg oo ka hawlgasha Hay’adda Caymiska ee magaalada Visby oo arrintaan sharraxaysa:

- Waxaan dadka u goynna warqad caddayn ah oo ay ula tagaan goobta daryeelka caafimaadka ee dalka ay daaweynta u doonteen . Kharashkii ayey iska bixiyaan. Marka ay dalka dib ugu noqdaanna waxay codsadaan in loo soo celiyo kharashyadii ku baxay intii ay halkaas u joogeen daryeelka caafimaad. Kharashyadaasna waxaa ka mid ah kharashyadii ku baxay safarka iyo meelihii ay degganaayeen.

Sannadkii hore ee 2012 waxaa iyagoo cuskanaaya qaraarka EU Iswiidhen ka dhoofay dad iswiidhish ah oo tiradoodu gaareyso 3600 oo qof, kuwaas daryeel caafimaad u doontay dalalka Midowga Yurub. Markii ay dalka dib ugu noqdeen, waxaa codsiyadii laga diidey 400 oo ka mid ah dadkaas.

Boqolkiiba 40 xanuunyada ay dadku u doontaan dalalka kale waxay u badan yihiin cudurada indhaha iyo noocyo ka mid ah dhaawacyada. Waxaa kaalinta labaad gala cudurada maqaarka, halka ay kaalinta saddexaad kaga jiraan cudurada iyo dhaawacyada ku dhaca murqaha iyo kalagoysyada. Waxaa daryeelka xanuuno la xiriira mindhicirada iyo kansarka dibedda ugu doonta dad gaaraya boqolkiiba hal, laakiin codsiyadooda in ay dalka dibeddiisa isku soo daaweeyaan laga diidaa 2 illa 3 qof oo ka mid ah dadkaas.

Waxaa jira saddex hab oo daryeelka caafimaadka ama qalliinka la sii qorsheeyey loogu doonto dalalka Midowga Yurub, dalka Iswitserland iyo dalalka kale oo ay Iswiidhen heshiisyada la gashay. Haddaba, marka hore waa in uu qofku ruqsad ka helaa Hay’adda Caymiska. Dariiqa labaad wuxuu noqonayaa in qofku marka hore go’aan ka helo hay’adda caymiska.

- Markaas wuxuu qofku hay’adda caymiska ka helayaa go’aan qeexaya in qofka loo oggolaaday in uu daryeel caafimaad dibedda u doonto iyo kharashka loo oggolaaday inta uu dhan yahay. Laakiin qofku waa in uu marka hore isagu lacagtaas bixiyaa, oo gadaal ka codsadaa in loo soo celiyo.

Habka saddexaad oo dadku dibedda ugu aadaan daryeel caafimaad wuxuu noqonayaa in qofku iska dhoofo isagoo aan ruqsad ka haysan hay’adda caymiska oo uu gadaal ka soo gudbiyo codsi uu ku doonayo in laga bixiyo kharashyadii ku soo baxay. Viktoria Sjöberg ayaan habkaan kala talineysa dadka:

- Waxaa wanaagsan in uu qofku sii haysto go’aan, uuna sii og yahay in kharashka ku baxa loo soo celinayo.

Haddaba ma waxaad oran lahayd dadka bukaanka waa ay u fududaaneysaa marka sharcigaan cusubi dhaqangalo 1da Oktoober?

- Mar walba waxaa qofka bukaanka ah u fudud in uu jiro sharci uu ku tiirsado, waayo si cad ayey sharciga wax waliba ugu qeexan yihiin. Haddii daryeelka caafimaadka oo uu qofku doonayo horay looga sii go’aan, waxay u fududeyneysaa in uu sii ogaado in kharashka laga bixinayo iyo inta uu le’ekaanayo kharashkaasi.

Iswiidhen waxay heshiis ku saabsan in muwaadiniinta iswiidhishku daryeel caafimaad u doonan karaan dalal ka baxsan Midowga Yurub la leedahay dalalka ay ka mid yihiin Turkiga, jasiiradaha Kaab Feerdi iyo dalka Jili. Iswiidhen waxay dalka Israaiil la leedahay heshiis khuseeya ummulinta iyo daryeelka la xiriira. Dhammaan heshiisyadaan waxay Iswiidhen u gashay in ay muwaadiniinteedu daryeel caafimaad ka helaan dalalka ay heshiisyadaas la gashay. Waxaa kaloo ay muwaadiniinta iswiidhishku daryeelka caafimaad ka heli karaan dalka Awstaraaliya, ayey tiri Viktoria Sjöberg.

Haddaba si qofka loogu oggolaado in uu daryeel caafimaad oo la sii qorsheeyey u doonto dalka dibeddiisa, waxaa loo baahan yahay daryeelkaasi u dhigmo aqoonta iyo waaya-aragnimada daryeelka caafimaad ee Iswiidhen ka jira. Kharashyada ku baxa qalliimada la oggolaaday in dalka dibeddiisa loo doonto waa in aysan kharashyadoodu ka badan inta uu ka joogo Iswiidhen. Sannadkii 2012 waxay hay’adda gargaarka bulshadu 58 milyan oo karoon ku bixisay kharash ku baxay daryeel caafimaad oo dalka dibeddiisa loo aaday. Dhanka kale waxaysan hay’adaha iwiidhishku bixin kharashyada ku baxa qallimada isqurxinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".