Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururo qorsheynaya mudaharaad ka dhan ah Obama

Foto: Scanpix

Afar urur ayaa dalbadey ogalaansho mudaharaad oo ay uga soo horjeedaan booqashada madaxweyne Brack Obama ku imaan doono Stockholm bilowga bisha september.

Piratpartiet, Kommunistiska partiet garabyadooda Stockholm iyo weliba urur la yiraahdo Iraksolidaritet ayaa dhamaantood doonaya in ay mudaharaad ay ugu soo horjeedan madaxweynaha Mareykanka in ay ku qabsadaan Sergels torg.

- Laakiin waxaan maleynayaa in meeshaas aysan banaaneyn, ayey tiri Ulrika Kairento oo dhanka sharciyada u qaabilsan booliiska Stockholm qaybata bixisa ruqsadaha.

Xisbiga shuuciga ah ee Kommunistiska partiet ayaa qorsheynaya in ay mudaharaad ku tagaan safaarada Mareykanka ku leeyahey Stockholm. Sidoo kale xisbiga asna shuuciga ah Rättvisepartiet Socialisterna ayaa asna dalbadey in ay mudaharaad kaga soo dhaqaaqan Medborgarplatsen kuna tagaan barxada Mynttorget.

Isha: Svd

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".