Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Haween masjid iskudhex qaawiyey oo dacwad lagu soo oogey

La daabacay onsdag 14 augusti 2013 kl 09.19
Foto: Henrik Montgomery/Scanpix

Laba haween ah oo katirsan urur la yiraahdo Femen ayaa hada lagu soo oogey dacwad ah dhaqan anshax daro kadib markii ay iskudhex qaawiyeen masjid ku yaala Stockholm.

Waxey aheyd dhamaadkii bishii Juni markii labadaan haween iyo haweeney sadexaad ay masjid dhex-galeen kadibna dharka iska dhigeen oo kadibna bilaabeen in ay ku qayliyaan ereyo Ingriis ah oo kamid yahiin "no sharciya" "free Women".

Laanta p4 Skaraborg ayaa shaley galab mid kamid ah labadaan haweyn ka wareystey sababta ay sidan u sameeyeen, waxeyna sheegtey in ay aheyd mudeharaad ay kaga soo horjeedeen hogaamiyahii xukunka laga tuurey dalka Masar Maxamed Mursi iyo ururkiisa Walaalaha muslimiinta oo ay ku tilmaateyn in ay haweenka cadibaan.

Haweeneydan ayada waxey ka soo jeedaa dalka Masar, waxeyna magan-geliyo dalkan ka heshey dhowr bilood horteed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".