Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Carruur soomaaliyeed oo loo abaabulay waxbarasho xilliga kulaylaha

Carruur soomaaliyeed oo loo abaabulay waxbarasho xilliga kulaylaha
3:10 min

Toddobaadka foodda inagu soo haya waxaa dib bilaaban doona waxbarashada dugsiyada dalka. Balse xilligii kulaylaha oo dugsiyada dalku xirnaayeen, carruur soomaaliyeed ayaa fursad u helay in ay tacliintooda sare u qaadaan, halka aysan kuwo badani helin fursad taas la mid ah. Hooyooyinka Soomaaliyeed oo ku nool degmada Bollnäs ayaa iyagu soo abaabulay mashruuc lagu magacaabo dugsiga xilliga kulaylaha oo carruurta wax loogu dhigo.  

Hooyooyinkani waxay iyagoo taageero ka helay Laanqayrta Cas, maamulka degmada Bollnäs iyo shirkadda waxbarashada ee ABF u bilaabeen carruurtooda in ay bartaan maaddooyin ka mid maaddooyinka lagu dhigto dugsiyada dalka. Waxaana xil macallinimada isa saartay hooyo Soomaaliyeed oo magaceedu yahay Sahra Xuseen. Mashruucaan oo ay ka qaybqaataan carruur dalka muddo joogtey iyo kuwo dhowaan soo galay waxaa looga dan leeyahay in la xoojiyo aqoonta carruurtu leedahay maaddooyinka qaarkood oo ay ka mid yihiin Iswiidhishka, Soomaaliga, Xisaabta iyo Cilmiga bulshada.

Samiira Maxamed oo ka mid ah hooyooyinka carruurtu halkaas wax uga barato ayaa sheegtay in hadafkoodu yahay in ay carruurta hesho tacliin ku filan si ay ula qabsadaan waxbarashada dugsiyada. Waxay kaloo carrabka ku xejisey in ay tacliintu fursad u siineyso carruurta sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen kaalinta ay ka gelayaan bulshadaan cusub ama bulshada dalkooda hooyo.

Sahra Xuseen ayaa iyaduna sheegtay in carruurtu wax barata ay tahay xil ballaaran oo waalidka dusha ka saaran, iyo in carruurtu tahay hoggaamiyaashii berrito oo ay sidaas awgeed lagama maarmaan tahay in ay helaan tacliin wanaagsan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".