Tirada dadka Iswiidhen ku nool oo cagacageyneysa 9,6 milyan oo qof

Tirada dadka ku nool Iswiidhen oo si joogto ah u soo kordhaaya. Dhammaadkii sannadkii hore waxay tirada dadweynaha Iswiidhen gaareysey 9596436 oo qof. Tirakoobkaanna waxaa laga soo xigtay Xafiiska tirakoobka oo loo soo gaabiyo SCB.

Degmada Sundbyberg oo dhul ahaan ah degmada ugu yar Iswiidhen ayaa tiradii ugu badnayd oo ahayd boqolkiiba 2 ku soo korodhay, halka ay degmada Sorsele tirada dadka ku nooli is dhimeen boqolkibba 2.

Kororka tirada dadweynaha waxaa lixdii bilood ee sannadka ugu horreysey keenay dadka soogalootiga ah oo kordhay.

Kooxda ugu badan ee dadka dalka soo gala ayaa noqoneysa muwaadiniin iswiidhish oo dalka dib ugu soo guuray. Waxaana ku xiga dadka ka kala yimaada dalalka Soomaaliya iyo Suuriya.

Isha: TT

Kororka tirada dadweynaha Iswiidhen ee 12kii sano oo ugu dambeeyey

Sannad  Tirada

2000         8882792

2001         8909128

2002         8940788

2003         8975670

2004         9011392

2005         9047752

2006         9113257

2007         9182927

2008         9256347

2009         9340684

2010         9415570

2011         9482855

2012         9555893

Isha: Statistiska centralbyrån

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".