Ulrika Carlsson oo ah xubin Xisbiga Dhexe u fadhida Baarlamaanka. Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Tuhun dembiyo la xiriira dhaqaalaha

Urur samafal oo hoos taga Xisbiga Dhexe ee Centerpartiet ayaa boliiska isku ashtakeeyey iyadoo la tuhunsan yahay in musuqmaaasuq dhaqaale ka dhacay ururka dhexdiisa. Dembigaas dhaqaale oo la tuhunsan yahayna wuxuu ku saabsan in la lunsaday qayb badan oo ka mid ah lacago lagu maalgelinayey mashaariic uu xisbigu sanooyinka badan ka wadey dalka Ciraaq.

Mashruucaan oo uu soo maamulaayey urur samafal oo xisbiga hoos taga ayaa xisaab-xir lagu sameeyey lagu ogaadey qaladaad badan iyo in xisbigu ku guuleysan waayey in uu soo bandhigo meesha uu ka baxay kharash dhan 3.2 milyan oo karoon oo loogu talagalay sannadihii 2009 iyo 2010. Sidaas awgeed ayuu hadda guddiga ururka samafalku isku dacweeyey boliiska. Sidaas waxaa sheegtay Ulrika Carlsson oo xisbiga xubin uga ah baarlamaanka.

- Haddaan nahay ururka samafalka ee Xisbiga Dhexe waxaan sameynney xisaab-xir aan ugu talagalay in aan u gudbino hay’adda kaalmada dibedda oo loo gaabiyo SIDA, waxaanuna halkaas ka helnay qaladaad badan oo tilmaamaya in falal dembi dhaceen. Markii aan sidaas ogaaneyna waxaan gudanney waajibaadkii na saarnaa oo ah in aad dacwad u gudbinno boliiska si baaritaan loogu sameeyo, ayey tiri Ulrika Carlsson oo guddoomiye ka ah ururka samafalka, isla markaasna xubin xisbiga uga ah baarlamaanka.

Isha: Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".