Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Zlatan oo wacdaro ka dhigay garoonka Friends

La daabacay torsdag 15 augusti 2013 kl 10.47
Cayaaryahanka caanka ah Zlatan Ibrahimovic. Sawirle: Christine Olsson/Scanpix

Cayaaryahanka caanka ee kubbadda cagta Zlatan Ibrahimovic ayaa xalay wacdaro ka muujiyey garoonka weyn ee Friends Arena, kadib markii uu saddex gool ka dhaliyey kooxda qaranka Noorwey oo halkaas tartan ku dhexmaray.

Cayaartu markii ay socotay wax hal daqiiqo ka yar ayuu Zlatan kubbad uu u soo laaday Sebastian Larsson goolka Noorwey gudaha u dhigay.

– Waxaan jeclahay in aan kooxda qaranka caawino oo aan gool u dhaliyo. Waana waxa aan mar walba ku fekero. Maantana waa ku guuleystey. Waxaan dareemay inaan khatar noqon karo, sidaas awgeed ayaan u dhowaadey dhanka goolka Noorwey oo ah meeshii aan damacsanaa, ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.

Zlatan wuxuu dadkii daawanaayey oo tiradooda lagu qiyaasay 13000 oo qof geliyey farxad iyo sawaxan kadib markii uu goolkii labaad dhaliyey. Kubbaddas oo ay si xallad leh ugu dhigeen cayaaryahannada Albin Ekdal iyo Johan Elmander.

Kooxda Noorwey ayaa cayaartu markii ay socotay cabbaar heshay rigoore kadib markii cayaaryahan iswiidhish ahi hoos u riixay cayaaryahan noorweyjiyaan ah.

Kadib Noorwey ayaa goolkii labaad dhalisay daqiiqado ka hor intaan nasashada loo bixin. Markii dib la isugu soo noqdey ayey kooxda Iswiidhen dhalisay laba gool oo midkood dhaliyey Zlatan. Cayaartiina waxay ku dhammaatay 4-2 oo Iswiidhen ku badisey. Sidaas ayuuna Zlatan ugu dhaliyey kooxda qaranka 44 gool intii uu u cayaarayey. Wuxuuna galay kaalinta labaad oo cayaaryahanka keli ah oo ka goolal badnaa wuxuu noqonayaa Sven Rydell oo isagu intii uu kooxda qaranka u cayaarayey u dhaliyey 49 gool.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".