Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Shaqaale dalka Booland u dhashay oo si xun loo la dhaqmay

Goob dhisme ka socdo Stockholm ayaa shaqaalahaas laga siiyaa mushahar aad u yar iyo iyagoo seexda meelo ciriiri ah oo ku dhexyaal goobta dhismuhu ka socdo. Warkaasna waxaa shalay weriyey telefishanka qaranka SVT.

Dhismahaan laga hadlayo wuxuu yaal Råcksta oo galbeedka kaga beegan magaalada Stockholm. Halkaasna maamulka dehmada ayaa ka wada dayactir lagu sameynayo aqal la dhigo baabuurta. Dad ka socda ururka shaqaalaha dhismaha ayaa booqasho kedis ah ku tegey halkaas oo ku soo arkay in beyadda meelaha ay deggan yihiin shaqaalaha ay tahay mid jebineysa sharciga, iyo in ay shaqalahaasi qaataan 35 karoon saacaddii, mushaharkaas oo u dhigma boqolkiiba 20 mushaharka ay qaataan shaqaalaha dhismaha ee dalku.

Maamulka degmadu wuxuu qandaraaska dayactirka siiyey shirkad jarmal ah oo lagu magacaabo Züblin oo iyaduna dhankeeda qandaraas hawlfulin siisay shirkadaha ByggOn iyo Byggarbetare. Xafiiska maamulka degmada u qaabbilsan guryaha baabuurta la dhigo waxba kala ma socon arrintaas.

Maareeyaha guud ee shirkadda Züblin Scandinavia Pär Land ayaa arrintaan ka yiri:

- Waxaa dhacay qalad, waana ka xunnahay. Waxaannuna hadda qaladkaas ku saxaynaa in shaqaalaha siinno mushahar sax. Haddii ay si kale ku suurtoobi weydo, shirkadayada ayaa jeebkeeda ka bixineysa, ayuu Maareeyaha guud ee shirkadda Züblin Scandinavia Pär Land u sheegay idaacadda SR International.

Isha: Sybille Neveling, SR International

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".