Sawirle: AP Photo/Martin Meissner

Abeba Aregawi oo bilad dahab ah u soo hoyisay reer Iswiidhen

Oradyahannada wayn ee iswiihishka Abeba Aregawi ayaa ku guuleeysatay hanashada kaalintii laga rajeeynayey iyadoona soo hoyisay biladda dahabka ee orordka 1 500 mitir ee tartanka cayaaraha fudud ee adduunka oo ka socda magaalada Moosko ee caasimadda dalka Ruushka.

Tartanka ay oadyahannadu ku guuleeysatay ayaa ahaa tartan deggan, hase yeeshee ey kaalinta labaad ee tartanka xajisatay kolkii la gaarey labadii wareeg ee tartanka ugu dambeeyey. Aregawi ayaa kolkii tartanka ka harsanaa 300 oo mitir kordhisay xowligii tartanka oo ay beegsatay kaalinta koowaad sidaasina ku hanatay biladda dahabka.

– Aaad iyo aad ayaan u farax-sanahay iminka. 200-dii ee mitir ee ugu dambeeye ayuu xawliga tartanku ahaa md aad u srreeya. Waxaana jirey is riixriix  aniga oo markaa eegay sawirka wayn ee garoonka si aan bal u ogaado halka ey gabdhihii iguxigey ku sugnaayeen, sida ay sheegtay Aregawi oo u warrameeysay laanta ciyaaraha ee idaacadda Iwiidhen Radiosporten.

23 jirka Aregawi ayaa muddada ay biladda dahabka ku qaaday ahyd  4:02:69.

                                                                   Kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista