Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabaabsi ku yimid macallimiinta maaddooyinka dugsiyada qaarkood

La daabacay fredag 16 augusti 2013 kl 09.52
Arday iyo macallin dhex jooga fasal. Sawirle: FREDRIK SANDBERG / SCANPIX

Waxaa dugsiyada dalka aad looga la’ yahay macallimiin dhigta maaddooyinka qaarkood. Taasina waxay keeni kartaa in gebi ahaanba la waayo macallimiin dhigta maaddooyinka ay ka mid yihiin biyoolijiga, fiisiska, kimisteriga iyo weliba af-jarmalka. Macallimiin-la’aantaasna waxaa ka digey Ururweynaha macallimiinta, sida lagu soo qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Isla markaasna waxaa dhici karta in ardayda barata macallinimada ay shaqala’aan noqdaan marka ay waxbarashada dhammaystaan maadaama ay badankood doortaan maaddooyinka af-ingiriisiga iyo taariikhda.

Tirakoob uu soo bandhigay ururweynaha macallimiintu waxaa lagu muujiyey in hal arday keli ah uu doorto maaddooyinka af-jarmalka, kimisteriga iyo farsamada gacanta, halka ay lixdan arday ka doortaan maaddada af-ingiriisiga ama taariikhda.

Ururweynaha macallimiinta ayaa welwel weyn ka muujiyey sida xaaladda barashada maaddooyinka qaarkood ku socoto, iyo in dadka badan oo waqtiyada soo socda geli doona hawlgab ay keeni karto khatar ah in maaddooyinka qaarkood loo waayo macallimiintii dhigi lahayd.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".