Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwooyinkii Mangs oo hoos loo dhigay oo laga yaabo in dib loo furo

La daabacay fredag 16 augusti 2013 kl 10.23
Sawirle: Stig-Åke Jönsson/Scanpix.

Qirashadii Peter Mangs oo ku xukuman dembiyo dil ah ayaa hadda keeni karta in dib loo furo baaritaanka laba dacwo oo isku day dil ah oo horey hoos loo dhigay ama la joojiyey.

Waxay ahayd toddobaadkaan bilowgiisii markii Peter Mangs u qirtay weriye ka socda wargeyska Sydsvenskan in uu galay mid ka ah dembiyadii horay loogu xukumay.

Haddii uu ninkaani is furfur ka warramo dembiyada uu galay waxaa dhici kara in ay keento in dib loo furo dacwado horay loo joojiyey – waa haddii la helo macluumaad cusub oo la xiriira laba dacwo oo isku day dil ah. Sidaasna waxaa sheegtay xeerilaaliyaha guud Solveig Wollstad:

- Kolkaas waxaan qabaa in si dhab ah looga fiirsado in baaritaanadii dacwooyinkaan dib loo baaro oo la eego haddii ay soo baxaan macluumaad cusub.

Peter Mangs waxaa xabsi-daa’in loogu xukumay laba dembi oo dil ah, laakiin waxaa laga siidaayey hal dil oo dembi ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".