Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix

Maqaayadaha magaalada Göteborg oo caawa la xirayo 3 saqda dambe

Waxaa laga bilaabo caawa lagu khasbi doonaa in dhammaan maqaayadaha ku yaal magaalada Göteborg in ay albaabada u laabaan ugu dambeyn saddexda saqda dambe ee maalmaha jimcaha. Go’aankaasi waxaa la gaaray kadib dood xilligii gu’ga socotey oo madaxa la isla galay, laakiin hadda ayaa bilaabayaa dhaqangelinteeda.

Xisbiyada bidixda iyo xisbiga masiixiga dimoqraadiyiinta ayaa rajeynaya in maqaayadhaas horay loo xiro ay keento in dadka da’da yar oo khamrada cabbaa ay soo yaraadaan iyo in ay yaraadaan dembiyada xoog-isticmaalka oo ay ka mid yihiin gacan-ka-hadalka iyo dhacu.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".