Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Socdaal dheer oo ku soo gabagaboobey Istockholm. Sawirle: Asylstafetten 2013

Socod dheer oo sabtida lagu soo gabagabeeyn doono Istockholm

Hanad: Dhallin-yaro badan ayaa dalkan ku dhibaateeysan
5:31 min

Magaalada Istockholm ayaa khamiistii shalay waxaa soo garay socdaal dheer oo ey boqolaal dhallin-yaro ahi ku yimaaden kuwaasina oo ka soo baqooley magaalada malmö 14-kii bishii luulyo, socodkaasina oo loogu magac-darey Asyl stafetten, iyada oo goolka laga leeyahay ahaa sidii loo muujin lahaa dhallin-yarada qaxootiga eeku tabaaleeysan dalkan Iswiidhen.

Cabdi Cali Hanad, wuxuu ka mid ahaa dhallin-yaro ey dhibaato kala soo gudboonaatey, islamarkaana ka qeyb qaatay socodkaa dheer ee 600 oo kiiloomitir ahaa:

Socodkan uu qeybta ka ahaa Cabdi Cali Hanad ayaa looga gol lahaa sidii bannaanka loo soo dhigi lahaa dhibaatooyinka la soo gudboonaada dhallin-yarada dalkan magangelyada u timaadda iyaga oo aaney la socon waalidkii dhaley ama ciddii masuuliyaddeeda lahayd, hase yeeshee dib loogu celiyo waddankii ugu horeeyay oo ey soo caga-dhigteen waddammada EU, sida uu dhigayo heshiiska midowga EU-da ee Dublin, kaasina oo oraneya in waddanka ugu horeeya ee shakhsigu ka soo dego ama ogolaanshaha dal ku gal uga haysto uu xaq ugu leeyahay inuu dalabkiisa magan-gelyo qaabilo. Cabdi Cali Hanad iyo mar kale:

Dhallin-yarada ey dhibaatooyinka kala soo gudboonaadaan qaxa ee dalkan ku dhibaateeysan ayey sannadihii ugu dambeeyey ahaayeen dhallin-yaro asal ahaan ka soo jeedda waddammada Afgaanistaan, Suuriya iyo Soomaaliya. Waana sababta socodkan loo galey sidii loo soo bandhigi lahaa xaaladda qalaf-san oo ey ku sugan yihiin Cabdi Cali Hanad iyo mar kale.

Maanta oo jimce ah ayey dhallin-yartaasi ku qabsaneyaan xaafadda Medborgarplatsen kulan ballaaran oo lagu casumey dad ka tir-san qeybaha kala duwan ee bulshada, si ey dhallin-yaradaasi afkooda uga war-bixiyaan xaaladdooda. Iyo maalinta sabtida oo la qaban doono bannaanbax kii ugu dambeeyey inta aaney carrigoodii dib ugu socdaalin maalinta axadda ee foodda innagu soo haysa, bishuna tahay 18 agoosto 2013:

                                                                 Kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".