Sawirle: Ricardo Garcia/SR P4 Stockholm.

Dhabbayaasha tareenada oo xaaladdoda laga dayriyey

Waxaa aad looga dayriyey xaaladda dhabbaha tareenada ee u dhexeeya Stockholm central iyo Södra station oo ku yaal bartamaha Stockholm. Dhabbahaas oo ay ku wada safraan tareenada gudaha iyo kuwa degmooyinka kale u goosha ayaa hadda xaaladdiisa lagu tilmaamay mid khatar ku ah ammaanka.

Shaqaalaha ka shaqeeya waddooyinka tareenadu maraan ayaa idaacadda P4 Stockholm u xaqiijiyey in meelo badan oo ka mid ah ay biraha xadiidka ah oo tareenadu ku socdaan soo debceen, meelaha qaarkoodna ayba soo fuqeen.

Caalin lagu magacaabo Ulf Olofsson oo ka hawlgala kulliyadda teknoolojiyada oo horay ugu sameeyey daraasad ayaa hadda u arka xaaladda dhabbooyinka tareenadu ku sugan yihiin mid halis ah:

- Waxaa halkaas ka muuqata in aan xaaladda dhabbooyinka wax kontarool ah lagu hayn. Taasina waxay ugu dambeyntii keeni kartaa shil khasaaro ballaaran haddii aan goor hore wax laga qaban.

Waqti dheer ayaa la soo dayacaayey oo aan wax dayactir ah lagu sameyn dhabbahaan tareenada oo ah kan dalka ugu gaadiidka badan. Balse hadda xaaladda dhabbaha ayaa xawli dhaqso badan uga soo dareysa.

Wakaaladda gaadiidka waddooyinku waxay sheegeysaa in dhabbahaan tareenada dayactir lagu sameyn doono shan sano kadib.

Isha: P4 Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".