Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliiska dhexdiisa oo laga dhaleeceyey hawlgalkii Husby

Hawlgalkii boliisku ka sameeyey xaafadda Husby bishii Mey oo sababay in toogasho lagu dilo nin 69 sano jir ah ayaa dhaleeceyn uga timid mid ka mid ah saraakiishii boliisku oo iyagu ugu horreeyey tegidda gurigaas ninka lagu toogtey.

Sarkaalkaan boliiska ah oo lagu magacaabo Martin Marmgren ayaa twitter uu ku leeyahay Internet ku soo qoray in habboon tahay in boliisku dib isugu noqdo oo baaritaan isugu sameeyo. Wuxuu kaloo sheegay in uusan dooneyn in uu eed dusha uga tuuro shakhsi gaar ah oo boliiska ka tirsan, balse uu u arko in la baajin karay ninkaas dhimashadiisa haddii uu boliisku u dhaqmi lahaa hab ka duwan sidii uu u dhaqmay.

Waxay ahayd maalintii 13kii bishii Mey kolkii boliiska lagu wargeliyey in daaradda guri ku yaal xaafadda Husby lagu arkay nin oday ah oo middi walfinaya. Ninkaas 69 sano jirka ah oo markii dambe u dhintay toogasho ay boliisku kala beegsadeen madaxa. (Martin Marmgren goobjoog ma ahayn waqtigii ninkaan la tooganayey)

Dhacdadaan ayaana loo aaneynayaa in ay sababtay qalalaasihii ka dhacay Husby iyo xaafado kale oo Stockholm ku wareegsan.

Toddobaadkii hore ayuu xeerilaaliyuhu hoos u dhigay dacwaddii lagu soo oogey ninkii boliiska ahaa oo toogtey ninka 69 sano jirka ah, iyadoo sabab looga dhigay in boliisku uu xabbadda u direy isdifaac uu naftiisa ku badbaadinayo.

Martin Marmgren wuxuu kaloo boliiska ku dhaleeceynayaa in aan boliiskii halkaas joogey durbadiiba wax wareysi ah lala yeelan oo wax laga weyddiin sidii ay wax u dhaceen.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".