Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Baaritaan uur oo lagu sameynayo dumarka qaadanaya daawada cambaarta

Wakaaladda daawooyinka ayaa dhowaan ansaxisay daawo cusub oo wax looga qabto cambaarta aad u ba’an, laakiin waxaa dhici kara in ay daawadaani keento cillado halis ah oo ay ka mid yihiin dhaawac soo gaara ilmaha uurka ku jira.

Sidaas awgeed ayey wakaaladuu ku talineysa dumarkak u talajira in ay qaataan daawada cambaarta in ay kaadida iska baaraan si ay u hubsadaan in aysan uur lahayn.

Balse dhakhaatiir iyo dad badan oo bukaan ah ayaa qaba in taladaan wakaaladdu soo jeedisay ay xadgudub ku tahay sharafta shakhsiga.

Per-Håkan Olausson oo ah dhakhtar maqaarka oo ka hawlgala shirkadda caafimaadka ee Skindoc ee Stockholm ku taal ayaa arrintaan ka yiri:

- Waxay nagu la talinayaan in aan baaritaan uur ku sameynno bishii mar dhammaan haween ku jira xilligii ay wax dhali lahaayeen. Taasi waxay la micna tahay in aan mar walba oo aan daawo siineynno ama u qoreynno warqad dhakhtar aan kontaroolno kaadidooda si aan uga baarno in ay uurqaadeen.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".