Shirkadaha Iswiidhen ee wax dhoofiya oo ka wardhawraya xaaladda Masar. Sawirle: Khaled Desouki/Sveriges Radio

Alaabooyinka Iswiidhen u dhoofiso Masar oo is dhimay

Qalalaasihii ka aloosnaa dalka Masar ayaa kallifay in shirkadaha iswiidhishku ay hoos u dhigaan alaabooyinka ay u dhoofiyaan dalkaas. Muddo sannad gudihiis ah waxay dhoofintaasi isdhintay in ku dhow boqolkiiba konton.

Alaabooyinka ugu badan oo ay dhoofiso waxaa ka mid ah alwaaxda, laakiin alwaaxda ay shirkadaha Iswiidhen ku dhoofiyaan dalka Masar waxay sannadkii cusbaa oo la soo dhaafay isdhimeen boqolkiiba 25. Shirkado badan oo yurubiyaan ah ayaa iyaguna dhimay in ay wax u dhoofiyaan Masar.

Shirkadaha Masar wax u dhoofiya waxaa ka mid ah shirkadda iswiidhishka Exportföretaget Uni 4 Marketing oo alwaax u dhoofisa dalkaas. Shirkaddasi waxay hadda il gaar ku haysaa sida xaaladda Masar u socoto. Maareeyaha guud ee shirkadda Anders Marklund ayaa ka hadlay:

- Waxaan wixii laga bilaabo bisha Sebteember gelineynna hawlahayaga dhoofinta hakad ilaa inta aan ka ogaaneynno sida xaaladda dalku noqoto toddobaadka hadda bilowday. Haddii rabshaduhu halkaa ka sii socdaan, waxaan kolka sii wadeynna hakadka aan gelinnay alaabooyinka aan dalkaas u dhoofinno.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".