Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Luuqadda Ann Cederberg

Baahi loo qabo xeer cusub oo lagu maamulo turjubaanada

Guddoomiyaha guddiga horumarinta luuqadda Ann Cederberg ayaa maanta bogga doodaha ee DN Debatt ku qortay in baahi loo qabo in la dejiyo xeer cusub oo lagu maamulo turjubaanada dalka.

Maanta ma jirto wax shuruud ah oo lagu xiro in dadka ka turjumaya goobaha sharciga iyo kuwa turjuma qoraalada ay ahaadaan kuwo haysta caddayn aqooneed. Ann Cederberg waxay intaas ku dartay in bulsho sharci ku dhisan laga sugayo in helitaanka iyo adeegsiga turjubaano karti iyo aqoon u leh xirfadooda ay shuruud u ahaato in sharciyada loo maareeyo si quman oo aa turxaan lahayn.

Isha: DN Debatt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".