Booliiska oo ka gaabiyey la dagaalanka iibsiga galmada iyo dhileysiga. Foto: Tomas Oneborg/SCANPIX

Sharciga iibsiga galmada oo aan ilko la heyn

Schyman: "ma'ahan in ahmiyada ugu danbeysa la siiyo amniga haweenka"
3:10 min

Iswiidhen ayaa kamid ah waddamo dhif ah oo leh sharci mamnuucaya iibsiga galmada. Waxaana beriyahan hoos aad ugu dhacay dacwooyinka la xiriira iibsiga galmada. Laakiin taa micnaheedo amahan in ay dadka galmada iibsada ay yaraadeen balse waxaa u sabab ah in booliska uu hoos u dhigey ahmiyad siinta la dagaalanka faldenbiyeedkan.

Iswiidhen ayaa kamid ah waddamo dhif ah oo leh sharci mamnuucaya iibsiga galmada. Waxaana beriyahan hoos aad ugu dhacay dacwooyinka la xiriira iibsiga galmada. Laakiin taa micnaheedo amahan in ay dadka galmada iibsada ay yaraadeen balse waxaa u sabab ah in booliska  uu hoos u dhigey ahmiyad siinta la dagaalanka faldenbiyeedkan . Booliska Stockholm ayaa tusaale  hoos u dhigey dabo-gal uu ku sameeyo dadyowga iibsada galmada halka booliska Malmö uu asna ahmiyada siiyo baarista faldebiyeedyada kale. Waa arin laga xumaado oo murugo leh ayey tiri Gudrin Schyman oo ah xog-haayaha xisbiga Feministisk initiativ.

- Tiro-koobka waxuu muujinayaa in ay in arinta ay dhabo sax ah ku socoto oo fal-denbiyeedku uu hoos u dhacey. Taasna waxey keeni kartaa in hey’adaha dowlada u arkaan in qarashka ku baxa la dhimo. Taasana waa arin murugo ah ayey tiri Guddrin Schyman xoghayaha xisbiga Feministisk initiativ

Hey’ada ka hortaga fal-denbiyeedyada BRÅ ayaa trikooobkeeda ugu danbeeyey muujinaya in dacwadaha la xiriira iibsaga galmada ay hoos u dhaceen boqolkiiba 23 laga soo bilaabo sannadkii hore illaa bishii julay sannadkan aynu ku jirno. Laakiin taa micnaheeda ma ahan in ay yaraadeedeen dadyowga iibsada howlaha galmada.

Gudrun Schyman waxey aaminsan tahay in hey’addaha dowliga masuuliyadooda tahay in ay sheegaan in fal-denbiyeedka noocan ah aysan yaraanin. Loona bahan yahay maal dheerad oo lagu la dagaalamo iyo weliba in booliska ahmiyada siiyo faldenbiyeedkan

- Booliiska waxey u baahan yahiin in ay dib u eegid ku sameeyan sida ay maalkooda u isticmaalan iyo ahmiyada waxey siinayaan. Ma ahan markasta arimaha la xiriira amniga haweenka, nolashooda, caafimaadkooda kuwo ahmiyada ugu danbeysa la siiyo, ayey tiri Gudrin Schyman.

1999 ayey aheyd markii Iswiidhen ka dhaqan galey sharcigan iibsiga howlaha galmada. Taas oo ka micno ah in ruuxa iibsada galmo ama sex  uu muteysanayo cinqaab ahaan karta ganaax ama xabsi ugu badnaan hal sanno. Laakiin waxan sharci daro aheyn in uu ruuxa ka ganacsado jirkiisa. Sharcigan ayaa ujeediisa tahay in lagu difaaco haweenka logana hortago fal-denyeedyada waaweyn oo ay kamid yahiin ka ganacsiga dadka. Balse sharciga ayaa ah mid dhex-dhexaad ka ah jinsiga. Gadaha iyo iibsadaha ayaa labaduba waxey ahaan karaan nin iyo naag.

 Schyman oo ayada kaalin wax ku ool leh qaadatey hirgelinta sharcigan ayaa hada aaminsan in loo bahany yahay in culeys siyaasadeed iyo mid afkaareed la saaro arimahan. Gaar ahaan adegmooyinka ay masuuliyada wey saraan la dagaalanka fal-denbiyeedka iibsiga galmada.

- Waa in uu ruuxa ogaado waxa ka dhacaya degmadiisa. Waa waajibaadka ruuxa ah siyaasi degmo in uu ogaado waxa halkas ka socdo uuna u kuur-galo xaqiiqada. Hadii uu arkana howlo sahrci daro ah oo halkaas ka socdana  dabcan waa in uu dacweeyo ayey tiri Gudrin Schyman xog-hayaha xisbiga Feministisk initiativ

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".