Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Hilib shiidan. Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix

Hilib laga keenay Booland oo loo iibiyey sidii in uu yahay hilib iswiidhish ah

Shirkadda Meatsson AB oo fariisinkeedu yahay magaalada Helsingborg ayaa hilbo ka keenta dalalka Booland, Irland iyo Holland, laakiin waxay hilbahaas oo ka iibiso dukaamada ay ka mid yihiin ICA och KF ku sheegtaa in ay yihiin hilbo iswiidhish ah. Hilbahaan oo gaaraya tobanaan kun oo kiilo waxaa laga daadgureeyaa bakhaar ku magaalada Helsingborg oo loo dhoofiyaa dukaamo ku kala yaal dalalka Iswiidhen, Holland iyo Danmark.

Kartoonada hilbuhu ku jiraan qaarkood waxaa lagu dhejiyey shaabad caddeyneysa in ay shirkaddu ansixin ka heshay Wakaaladda cuntooyinka ee Livsmedelsverket.

Balse hadda waxay wakaaladda cuntooyinku adkeysey kontaroolada ay ku smayso badeecadahaas. Waxaa kormeere qaran ka Louise Nyholm.

- Waxaa muuqata in baaritaanadii aan ku samaynay aysan ahayn kuwo nagu filnaa, maadaama ay shirkado badani ku dhiiradeen in ay isku dayaan khiyaamooyinkaas. Waxaa hadda noo qorsheysan in aan sameynno hab kii hore ka wax ku oolsan oo aan horey ugu ogaanno ugana hortagno wixii khiyaamo ah oo lagu sameeyo badeecooyinka oo dhan oo hilbuhu ku jiraan.

Guddiyada gobolada u qaabilsan arrimaha guryaha, ganacsiga, caafimaadka iyo maareynta badeecadaha ayaa hadda ka dalbaaya shirkaddas in ay soo celiso dhammaan hilbihii ay ku dhejisey shaabadda iswiidhish oo la habeeyey intii u dhexeysey 8dii Luulyo iyo 7dii Agoosto.

Isha: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".