Sawirle: Drago Prvulovic/Scanpix

Kaniisadda Iswiishen oo ku talajirta inay ka qaybgasho hawlaha adeegga bulshada

Kaniisadda Iswiidhen ayaa laga yaabaa in ay si toos ah uga qaybqadato hawlaha adeegga bulshada. Waxaa hadda baaritaan lagu sameynayaa habkii ay uga qaybqaadan lahayd iyadoo ra’yi-ururin hadda ka hor la sameeyey lagu ogaadey in dad badani ay danayn lahaayeen in kaniisaddu isku hawliso hawlaha adeegga bulshada oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo xannaanada halka ay hadda qabtaan shirkado gaar loo leeyahay. Fikirku ma ahan meel dheer laga raadinayo, ayey tiri Kerstin Alberius oo intaas raacisay:

- Hawlaha aasaasiga ah ay kaniisadda Iswiidhen – iyo urura-diimeedyada kale – waxaa ka mid ah hawlo kalgacal ku dhisan. Waxaa marar badan la maqlaa ereyga ”diakoni” oo micnehiisu yahay kaalmaynta saboolka iyo dadka taagta daran. Waxaana soo baxaayey filitaan kaniisadda Iswiidhen laga filayo in ay dib u bilaabaan hawlihii horey looga bartay oo ahaa kaalmeynta iyo gacansiinta.

Waxay ahayd gu’gii la soo dhaafay kolkii uu golaha Kaniisadda Iswiidhen u xilsaaray Kerstin Alberius in ay soo baarto haddii ay suurtagal tahay in ay kaniisaddu bilowdo hawlaha adeegga bulshada oo lagu maalgeliyo lacagta canshuurta.

Koox caalimiin oo ka socda jaamacadda Uppsala ayaa loo xilsaaray in ay soo ogaadaan sida uu dadweynaha iswiidhishku u arko isbeddel noocaas oo ay kaniisaddu sameyso. Wareysi la la yeeshay 3000 oo qof waxaa ka soo baxay sawir kala duwan. Tusaale ahaan tobankii qofba siddeed ayaa u arkey in ay wax wanaagsan tahay in ay kaniisaddu maamusho guryo ay seexdaan dadka ay gurya-la’aantu hayso. Dhanka kale in ka yar tobankii qofba labo ayaa qaba in ay habboon tahay in ay kaniisaddu qabanqaabiso dugsiyo sare.

Mar la weyddiiyey su’aal ahayd cidda aysan marnaba la dooneyn in ay qabanqaabiyaan hawlaha daryeelka iyo xannaanada, waxay boqolkiiba 13 ku jawaabeen in aysan dooneyn in kaniisaddu faraha la gasho hawlahaas. Markii dadkaas su’aal taas la mid ah laga weyddiiyey shirkadaha gaarka loo leeyahay oo hadda qabanqaabiya hawlaha daryeelka iyo xannaanada, waxay boqolkiiba 40 ku jawaabeen shirkadda Carema, halka boqolkiiba 35 ay ku jawaabeen shirkadda Attendo.

In ay hadda kaniisadda Iswiidhen ka fekerto ka qaybgalka hawlaha adeegga bulshada, waxaa lala xiriirinayaa kala bixii ay kaniisadda Iswiidhen iyo dowladdu kala baxeen sannadkii 2000. Hadda kaniisaddu waa urur ka madaxbannaan dowladda.

Intaas waxaa dheer in hawlaha adeegga bulshadu ay hadda noqdeen kuwo tartan loo geli karo oo suuqa u furan. Waxaa qaybo badan oo hawlahaas hadda la wareegey shirkado ganacsi oo macaash raadis ah, laakiin waxaa iyaguna jira ururo bulshadeed oo maamula goobo xannaano iyo daryeel, iyo dugsiyo waxbarasho.

Kerstin Alberius waxay intaas ku dartey in ay caadi tahay in kaniisaduhu ay isku hawliyaan hawlaha daryeelka iyo xannaanada ee dalalka badan oo dunida ka mid ah.

Baaritaanku wuxuu soconayaa ilaa 1da Oktoober kolkaas oo loo soo bandhigi doono golaha kaniisadda, balse Kerstin Alberius ma dooneyso in ay ka jawaabto dhanka ay xaaladdu u janjeerto. Waxayse qabtaa in ay kaniisaddu beddeli karto shirkado waaweyn oo hadda qayb weyn ka qaata hawlaha adeegga bulshada.

- Waxa laga hadlayaa waa faa’iido la macaasho. Waana in hawlaha la qabanayo faa’iido laga helaa. Laakiin macaashka noocaan ahi waa mid kaniisaddu u qushuucsan tahay, waayo macaashkaas waxaa loo isticmaalayaa hawlaha adeegga. Waxaana farqiga weyn abuuraya habka macaashkaas loo isticmaalayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".