Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Wasaaradda cadaaladda oo booqaneysa xaruumaha booliska dalka

La daabacay onsdag 21 augusti 2013 kl 10.33
Wasiiradda cadaaladda Beatrice Ask ayaa Ekot u sheegtey in xukumada ay sugeyso natiijo sidaas dartedna ugu dirtey xog-hayaheeda in uu booqdo xaruumaha booliska dalka si uu ugu kuur-galo sida ay wax u socdaan. Foto: Scanpix.

Boliska Iswiidhen ayaa lagu eedeynayaa in ay ku sii liidmayaan denbi-baarista. Sannadkii hore waxaa boqolkii lix is-dhimey danbi-barista la soo gunaanadey oo dabiile lagu cadeeyey in uu geystey falkas. Sida uu qabo gudiga ka hortaga denbiyada BRÅ,  hoos u dhacaan aan wanaagsaney ayaa soo socddey tan iyo 2010.

 Si hadaba waxa looga qabto arimahan ayaa  xog-hayaha wasaaradda caadaaladda booqasho ku tagi doonaa dhamaan xaruumaha booliska dalka, si uu ugu kuur-galo sida ay wax u socdaan. Booqashada nocaan oo kale ah ayaa horey loo sameeyey sannadkii hore , laakiin booqashadas ayaan natiijo wanaagsan keenin.

- Hadii maal dheerad ah la heley oo howlahan yahiin kuwo muhiim ah, xukumada waxey rabtaa in ay aragto natiijo wanaagsan. Ayey tiri wasiiradda cadaaladda Beatrice Ask.

Morgan Johansson xog-haya arimaha sharciga ee xisbiga Socialdemokratiga ayaa aaminsan in socdaalka wasaaradda ay ku sameyneyso dhamaan xarumaha booliska dalka in ay marqati cad u tahay guul darada xukumada ee arimaha la xiriira denbi-baarista.

- Marka aragtid in hey’ad dowladdeed ka soo baxi weydo kaalinta laga filayey markas waa in la badalaa madaxa hey’adda. Sidaas ayaa laga fili karaa xukumad. Laakiin hada waxey xukumada u direysaa sarkaaladeeda si ay wax ugu soo sheegan hey’addahan. Arintas oo kale waligey ma arag intaan xukumad ku jirey ama barlamaan ka tirsanaa, ayuu yeri Morgan Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".