Soomali ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet oo maanta lagu dilay Muqdisho

Soomaali ku noolaa xaafadda Husby waqooyiga Stockholm kana tirsanaa xisbiga Vänsterpartiet ayaa maanta waxaa lagu diley magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqadisho. sida lagu qorey wargeys la yiraahdo Norradelen.

Ninkan la diley ayuu wargeysku sheegay in uu muqdishu u tagay in uu ka bilaabo mashruuc ku sabsan demokratiga.

Warsaaraddaa arimaha dibadda ayaa sidoo kale maanta xaqiijisey in haweeney Iswiidhis ah ayadana maanta lagu dhaawacey isla magaaladas. sida aan ka soo xiganey ruux ku sugan magaalada Muqadishu haweeneyd ayaa waxey ku socotey in ay cashar ka jiidiso jaamacad ku taala magaalada markii la weerarey. haweeneydan ayaa iminka lagu daweynayaa hosbitaal ay ciidamada nabad ilaaliyaasha Amisom ku leeyahiin magaaladaas

Qaraabada ninka la diley ayaa noo sheegtey in uu gaariga la saarnaa haweeneyda la dhaawacey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".