2000 booliis oo loo diyaariyey booqashada Obama

Ku dhawaad 2 000 oo boolis ah ayaa loo diyaariyey in ay ka qayb qaatan ilaalinta booqashada uu Iswiidhen ku imaan doono madaxweynaha Mareykanka Brack Oboma 4-5 bisha september. Tirada booliska la howl-gelinayo ayaa u dhigmi doonta tiradii la howl-geliyey markii amiirada Viktoia guursaneysey sannadkii 2010.

Booliiska Stockholm ayaa howl-galkan howmood u noqon doona ayaga oo gacan kaga heli doona ciidamada nabad sugida ee magacooda loo gaabi Säpo iyo rikskriminalen oo ah denbi baarista iyo weliba hey’addaha kale ee booliska kamid ka ah.  

Taliye sare Erik Widstrand ayaa laanta Ekot u sheegey in degid dayuuradaha Arlanda lagu soo rogi doono xooga xadidaad ah oo uusan sheegey waxey noqon doonto.

Laakiin qaar badan oo kamid ah macluumaadka la xiriira howl-galka uu sameyn doona booliska ayaa ah sir siina ahaan doona arimo sir ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".