Xarunta QM ee magaalada New York. Foto: Mary Altaffer/Scanpix.

Iswiidhen oo maanta hortegeysa gudiga QM u qaabislan jinsi faqooqa

Iswiidhen ayaa maanta hortegeysa gudiga la dagaalanka jinsi foqooda ee Qaramada Midowbey. Warbaxin hor-u-dhac ah oo laga soo saarey wareysiga gudigan la yeelanayo maanta Iswiidhen ayaa muujineysa dhaleeceyn kulul oo loo jeedinayo Iswiidhen.

 Waxaana lagu eedeynaya in aysan waxbo ka qaban denbiyada naceybka iyo midab takoorka  ee loo geysato dadyowg laga badayanahey, sida muslimiinta, qoomiyadaha romer iyo Samer. Horey ayaa QM marar badan ugu tilmamtey Iswiidhen in ay wax ka qaboto arimahan, balse sidaas ma dhicin ayaa lagu yeri warbaxinta hor-u-dhaca ah ee gudigan QM.

Shaley ayaa gudigan QM kula taliyey Iswiidhen in ay dhisto hey’ad la dagaalanta cunsuriyada iyo jinsi-faqooqa dadka laga badanyahey, madaamada Iswiidhen sida QM aaminsan tahay laheyn startegiyad cad oo ay uga hortago denbiyada naceybka ku dhisan. Gudiga ayaa tilmaamey in kooxa cunsuriyiinta ah ay weli meeshooda ka sii wataan ku baahinta propagandada naceybka ah internetka iyo weliba Iskuulada dalkan.

Warbaxinta xukumada Iswiidhen ay maanta hor-dhigi doonta QM ayaa carabka ku adkeyneysa in booliska dalkan uu si joogto ah u baaro denbayada naceybka ku dhisan iyo weliba in halganka ay hey’adaha xeer-illalinta dalkan kula jiaan denbiyada naceybka uu yahay mid ahmiyad gooni ah ay siiyaan. Sida warbaxinta Iswiidhen lagu sheegey xukumada wax weyn ayey qabatey  sidii ay u buuxin laheyd baaqa gudiga la dagaalanka jinsi faqooqa ee QM.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".