Kulan ey SIDA isugu yeertay ururrada soomaalida. Sawirle: Kenadid Mohamed

Hayadda SIDA oo kulan isugu yeedhay soomaalida reer Iswiidhen

Istaraatiijiyadda Iswiidhen iyo taageerada Soomaaliya
9:22 min

Kulan ay maalintii isniintii isugu yeedhay ururrada soomaalida, hayadaha iyo shakhsiyaadka daneeya arrimmaha mucaawinnada Soomaaliya uu dalkani u fidiyo laanta hayadda SIDA u qaabilsan Soomaaliya ayaa looga arrinsadey sidii soomaalida qurba-joogta ah ee dalkan ku dhaqan looga qeyb gelin lahaa arrimmaha la xiriira dib u dhiska iyo hor-u-marinta Soomaaliya. Urban Sjöström, madaxa laanta SIDA ee taageerada Soomaaliya.

- Waxa uu ahaa kulan aad iyo aad u wanaagsan. Dhan waxaa iminka diyaar ah oo naloo qoondeeyey miisaaniyad dheeri ah ee shanta sannadood ee foodda innagu soo heysa iyo sidoo kale inaanu ku war-gelino wada shaqeeynta cusub ee hayadda caalamiga ee qaxootiga IOM iyo sidii soomaalida ku dhaqan dibadda loogu suurtagelin lahaa iney dalkoodii hooyo ka howl-galaan, sida uu sheegay madaxa laanta hayadda mucaawainnada SIDA ee Soomaaliya oo wixii ka dambeesay horraantii sannadkan xarun looga dhigay magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Keenya Urban Sjöström.

Kulanka shalay ka dhacay xarunta hayadda taageerada dhaqaale ee dalkani u fidiyo waddammada caalamka saddexaad wuxuu daba socdey kulan midkaasi la mid ah oo isla xarunta loogu qabtey gabagabadii sannadkii tagay ururrada soomaalida, hayadaha iyo dadyoowga xiiseeya arrimmaha mucaawinnada soomaalida iyo sidiiey fikirro ugu kordhin lahaayeen sidii looga qeyb gelin lahaa soomaalida iswiidhishka iney gacan ka geeystaan dib-u-dhiska iyo hor-u-marinta soomaaliya. Urban Sjöström oo idaacadda u warramay kulankii kadib ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid uu ku qancay doodihii iyo fikirradii la is-dhaafsadey iyo sidii gacan la isaga siin lahaa dib-u-dhiska iyo wax la qabadka dalka iyo dadka soomaaliyeed:
- Waxaan qabaa inaannu yeelanay doodo iyo wax is-weeydiin wanaagsan, halkaasina oo hayadda SIDA haddaannu nahay dhankayaga aanu doonayno sidii aan xiriir wada-hadal ula yeelan lahayn soomaalida- iswiidhishka iyo ka wada xaajoodka sidii aan gacan isaga siin lahayn ka gudubka howlaha na hor-yaala ee Soomaaliya ka aloosan, iyada oo uu weliba sii xumaanayso xaaladdii nabad-gelyadii Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay, sida uu hadalka u dhigay Urabn Sjöström.

Dawladda Iswiidhen ayaa dhowaantan ansixisay miisaaniyadda iyo dhabbada uu dalkani kaalmada ugu fidin doono shanta sannadood ee foodda innagu soo haya, iyadoona howlahaa lagu koobay saddex qodob:
- Ammaanka iyo quudinta. Middaa labaad caafimmaadka hooyooyinka uurka leh iyo ilmaha. Halkaasina oo uu jiro xiriir laga sameeyyey taageerada caafimaadka iyo biyaha. Waana middaa aan maleeyneyo in taageerada xooggeedu ku bixi doono. Iyo ugu dambeeynta hoowlaha la xiriira dimoqoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka, oo la xiriira sidii loo adkeeyn lahaa heyadaha dawladda dhexe ee federaalka iyo maamullada jira ee Puntland, Somaliland iyo Jubbaland oo aanu fileyno wixii ka soo baxa, sida uu sheegay Urban Sjöström.

Haddaba ka soo qeeyb-galeyaashii kulanka mid ka mid ah Maxamed Jimcaale oo aannu wax ka weydiiney fikraddiisa la xiriirta kulankii hayadda SIDA isugu yeertay ururrada soomaalida iyo dadyoowga xiiseeya hoowlaha mucaawinnada dalkani u fidiyo Soomaaliya ayaa nooga warramay sida uu gebi ahaanba u arko kulanka maalintii isniintii 19-kii agoosto ka dhacay xarunta hayadda ee SIDA:

Soomaalidii kulanka ka qeyb-gashey ayey qaar badan oo ka mid ihi carrabka ku adkeeynayeen inaan mucaawinnada dalkani u fidiyo Soomaaliya aaney u gaarin si siman, iyadoona uu Maxamed Jimcaale sheegey inay ahayd arrin aan loo baahneyn in meesha la keeno. Maxamed Jimcaale iyo mar kale.

Dhallinyarada kulanka goob-joogga ka ahayd ayay ka mid ahayd gabar da' yar oo aanu ugu magac-darney Caasha, iyadoo soo jeedisay dhaliil la xiriirta in dhallinyarada aan laga qeyb gelin ama aanay helin doorkii ey ku lahaayeen hoowlaha taageerada Soomaaliya uu dalkani u fidiyo. Mar ay middaa nooga warramaysayna waxaa ereyadeedii ka mid ahaa.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".