Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Boqortooyada oo bomb loogu cago jogleeyey

La daabacay torsdag 22 augusti 2013 kl 16.04
Lamaanaha boqortooyada ayaa maanta booqanaya magaalada Karlstad. Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix

Xaflad lagu soo dhaweenayey lamaanaha boqortooyada Iswiidhen barxad ku taala magaalada Karlstad ayaa maanta gelinkii danbe loo jiidiyey cago jogleyn bomb. Warqad loo direy wargeyska Wermlands-Tidning ayey koox ku sheegeen in ay qorsheynayaan in halkas dhigaan bombo. Waxeyna yiraahdeen bombka waxuu qarxi doona shanta galabnimo marka lamaanaha boqortooyada barxada yimaadaan.

Booliiska ayaa lanta P4 Värmland u xaqiijiyey warqada wargeyska ku socote in ay arkeen.

- Markaan aragno warqad noocan waxaan cago jogleynta u fasiraneynaa mid dhab ah, ayuu yeri Rolf Sandberg oo ah madaxa howl-galada booliiska Värmland.

Booliiska waxey sheegeen in ay warqada lagu yeri bombka waxaan geliney baabuur. Waxeyna booliiska joojiyey gabi ahaan gaadiidka ku socda barxada la sheegey in bomb la dhigey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".