Afka jaamicaddii falku ka dhacay. Sawirle: Scanpix

Saddex ruux oo loo qabtay weerarkii Muqdisho ee arbacadii

Sida wararku sheegayeyaan in magaalada Muqdisho gacanta lagu dhigey saddex ruux oo lagu tuhun-san yahay iney ku lug-lahaayeen weerarkii galab-nimadii arbacadii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkaasi uu ku geeriyooday Cabdiraxiin Xasan oo ka tirsanaa laanta dhallin-yarada ee xisbiga Bidixda dalkan Iswiidhen, isla-markaana dhaawac loogu geeystay Ann-Margarethe Livh, oo iyaduna ka tirsan xubnaha hoggaanka xisbiga Bidixda ee magaalada Istockholm.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay khamiistii shalay in saddex ruux loo qabtay tuhun la xiriira iney ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay Cabdiraxiin Xassan iyo nin waardiye ah oo la socday, isla-markaana lagu dhaawacay Ann-Margarethe Livh, sida hayadda wararka noorwiijiyaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno NTB.

Xoogagga ammaanka ayaa sheegay sidoo kale iney ku daba joogaan laba ruux oo kale oo lagu tuhun-san yahay iney ka dambeeyeen qorshaha weerarka, sidaa waxaa qoray laanta wararka ee dalkaasi Jarmalka.

Saraakiil ka tir-san wasaaradda arrimmaha dibadda iyo xisbiga Bidixda oo xiriir ay la sameeysay hayadda wararka Iswiidhen ee TT ayaa sheegay in aaney wax war ka heyn arrintaa.

TT

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".