Anders Borg: kalsooni baan ku qabnaa dhaqaalaha dalka

Shir saxaafadeed uu maanta qabtey wasiirka dhaqaalaha Anders Borg oo uu kaga hadlayey lacagta ay dowladda u heysto in ay ku maal-geliso dib-u-habeyn ayuu shegey in ay tahay 25 bilyan karoon Iswiidhen. Laakiin hey'ada dwoladda saadaayasha dhaqaalaha u sameysa Konjukturinstinstitutet (KI) ayaa ku tilmaantey lacagta ay xukumado maal-gelin ku sameyn karto in aysan ka badaneyn 6 bilyan karoonka dalkan.

Konjunkturinstitutet waxey digniin ku sheegtey in ay laga marmaan tahay in la yareeyo dhakhaliga ku baxa howlaha guud dhowrka sanno ee soo socota.

Laakiin Anders Borg wasiirka dhaqaalaha ayaa sheegey la qabin saadaayasha mugdiag ah ee ay bixineyso hey'ada KI.

- Lamo qabno saadaasha KI. Dhaqaalaha Iswiidhen waad mid adkeysi badan. Kalsooni weyn baan ku qabnaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".