Sawirle: Scanpix

Ammaanka Muqdisho iyo safarrada qurba joogta soomaalida Iswiidhen

Ammaanku waa midka ugu qaalisan Muqdisho
8:31 min

Booqasho ey dhowaantan magaalada Muqdisho ku tageen xubno ka tirsan xisbiga Bidixda laantiisa magaalada Istockholm oo ka koobnaa afar ruux ayaa qudha lagaga jaray wiil 24-jir ah , halka haweeney kalena uu dhaawac culus ka soo soo gaaray weerarkaa. Iyadoona iminka ku sugan cusbital ku yaala magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Keenya.

Halka ey sarkaalad u hadashay dhacdadaa dabadeed wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen sheegtay in wasaaraddu muddo dheerba ka digeeysay khatarta Soomaaliya iyo in aan socdaal loo aadin carrigaa:

- Annagu fara-gelin kuma sameeyn karno falka uu ruuxu ku tallaabsaneyo, hase yeeshee talada aan soo jeedinno waxay tahay inaan uga digno in aan loo socdaalin Soomaaliya.

Galab-nimadii arbacadii ayay ahayd kolkii weerar lagu qaaday gaari ey saarnaayeen afar ruux eyna ka mid ahaayeen Cabdiraxiin Xasan iyo Ann-Margarethe Livh oo labaduba ka tirsan xisbiga Bidixda lala beegsaday weerar, halkaasina uu ku geeriyooday Cabdiraxiin Xasan oo maalin-nimadii khamiista lagu aasay Muqdisho, halka Margarethe Livh oo uu weerarka dhaawac ka soo gaaray loola cararay cusbital ku yaala magaalada Nayroobi.

Waayan dambe ayey soomaali badan ee qur-bajoogta ka mid ahi bilaabeen iney dib ugu laabtaan Soomaaliya oo ey ka soo muuqatay saansaan nabadeed, sida war-baahintaba laga daalacan karay.

Wiilo Cabdulle, oo ku dhaqnayd dalkan Iswiidhen magaalada Göteborg wixii ka dambeeyey sagaashameeyadii ayaa dib ugu noqotay Soomaaliya, qaasatan magaalada Muqdisho laga bilihii jannaayo-feeberaayo ee sannadkan 2013. Waxaan idiinka cudur-daaranaynaa tayada codka oo aan aad u wanaagsanayn: 

Qurba-joogta soomaalida ee ku hamida sidii ey dib ugu laaban lahaayeen dalkoodii hooyo, islamarkaana gacan uga geeysan lahaayeen dib u dhiska iyo hor-u-marka dalkooda ayay Wiilo Cabdulle noo sheegtay iney ka mid yihiin kooxaha sida gaarka loo ugaarsado oo mararka qaarkood aan ku xirnayn midabka ruuxa caddaan iyo madow wuxuu yahay: 

Wareeysi uu subax-nimadii khamiistii siiyay idaacadda Iswiidhen, dan-jiraha Iswiidhen gu magacaaban Soomaaliya, hase yeeshee xaruntiisu tahay magaalada Nayroobi uu sidan uga jawaabay su’aal la xiriirtay socdaalka muwaadiniinta iswiidhishku ugu baqoolaan Soomaaliya:

- Waa xaqiiq in soomaalida iswiidhishka ah ey uga sahlan tahay iney ku dhex milmaan bulshada inteeda kale kolka ay tagaan Soomaaliya, qaasatan Muqdisho. Hase yeeshee uga dhib badan tahay middaa ajaaniibta.

Wiilo Cabdulle, maxaad fikirkaa ka leedahay?

Halka uu howl-wadeen u hadlay hoggaanka xisbiga Bidixdu sheegay in xisbigu ka war dhoowrayo war-cad inuu ka helo sidii wax u dhaceen dabadeedna ku tallaabsan doono sidii wax laga yeeli lahaa saffarrada goobaha dagaalladu ka socdaan in xubnahoodu u ambabaxaan iyo in kale.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".