Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Agaasimahii laanta shaqada AF oo axadii la buriyey

La daabacay måndag 26 augusti 2013 kl 09.34

Madaxii laanta shaqada Arbetsförmedlingen Angeles Bermudez-Svankvista ayaa axadii laga ceyriyey shaqada. Sidaas waxaa axadii shir-saxaafaded ku xqiijisey Hellevi Engström wasiirada suuqa shaqada.

Gelinkii hore maalinkii axada ayaa kulan degdeg ah oo lagu qabtey wasaarada suuqa shaqada kaas oo ay yeesheen wasiirada arimaha shaqada Hillevi Engström iyo agaasimaha shaqada laga eriyey Angeles Bermudez-Svankvist. Kulankas ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadanayey madaxa warbaahinta laanta shaqada Helena Enqkvist.

Waxyar ka bacdii waxey qabteen shir-saxaafadeed ay wasiirada ka sheegtey in howlahii ay Angeles Bermudez-Svankvist ka heysey Arbetsförmedlingen ay ka tageyso.

- Xaalada ka jirta laanta shaqada ma ahaaan karto sida ay hada tahay, ayey ka teri wasiirada Hillevi Engström (M) shir-saxaafadeedka .

Shaqo ka ceyrinta Bermudez-Svankvist ayaa salka ku heysa kadib markii maamulka Arbetsförmedlingen jimcihii ku dhawaaqeen in aysan wax kalsooniya ku qabin agaasime Bermudez-Svankvist. Waxaa dhanka kale jirtey fadeexado ay dhex-dubaalaneysey agaasimahii hore oo ay kamid ahaayeen in ay mobilkeeda ku hadashey qarash gaaraya 31.000 iyo in ay ka baaqatey shirar ay la qaadan lahey maamulka laanta shaqada ayada oo aan sababeyn.

Bermudez-Svankvist waxaa hada lagu badaley ku xigeenkeeda Clas Olsson. Balse Bermudez-Svankvist ayaa dowladda u sii shaqeyn doonta in kastoo aan la ogeyn howlaha ay qaban doonto

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".