HMS Carlskrona. Sawirle: Carina Melin/SR.

Markabkii dagaalka ee HMS Karlskrona oo dalka dib ugu soo noqdey

Dekedda magaalada Karlskrona ayaa axaddii shalay waxa dib ugu soo xirtay markabkii dagaalka ee HMS Karlskrona oo muddo afar bilood ah ka qeyb-qaadanayay howl-galkii loogaga hor-tagayey la-dagaalanka burcad-badeedda ee xeebaha gacanka cadmeed iyo bad-weynta Hindiya.

Boqolaal ruux ayaa ka qeyb qaatey soo dhoweeynta markabka HMS iyo ciidammadii mariineeska ee la socdey, sida ey sheegeen laamaha wararka ee carrigaa.

Waxaa iyaduna sidoo kale ka qeyb qaadatay soo dhoweeynta markabka HMS iyo mariineeskii saarnaa wasiiradda difaaca ee dalkan Iswiidhen Karin Enström (M) oo goob joog ku ahayd dekeddii uu markabku ku soo xirtay.

Markabkja HMS Carlskrona ayaa muddo afar bilood ah gacan ka geeysanayay qorshaha la dagaalanka bur-cad badeedda ee loogu magac darey qorshaha Atlanta.

Isha/ Karlskrona (TT)

                                                                 kenadid.mohamed@sr.sr

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".