Ann-Margarethe Livh Soomaaliya lagu weerarey oo dib ugu soo noqotey Iswiidhen

Ann-Margarethe Livh oo ah xubin ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet oo weerar Muqadishu Soomaaliya loogu geystey lagu dhaawacey asbuucii hore ayaa ku soo guriyo noqotey Iswiidhen. Waxaa malmahaan lagu daweynayey hosbitaal ku yaala Nairobi Kenya, balse hada waxaa lagu daweynayaa dalka Iswiidhen.

War saxaafadeed ay soo saartey ayey ku dalbatey in lagu tixgeliyo inta ay ka soo reysaneyo ayna uga fikireyso si degan dhacdadii lagu weerarey iyo sida ay wax u dhaceen.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa dhankiisa hirgeliyey santuuq dhaqaale oo lagu xasuusanayo Abdirahim Hassan oo asaga ku dhintey weerarkii ka dhacey Muqdishu asbuucii hore.  Santuuqan ayaa hirgelintiisa waxuu xisbiga kalo tashadey qoyska Abdirahim Hassan, lacagtana waxaa lagu maal-gelinayaa howlahii uu ka hayey dalka Soomaaliya.

Isha/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".