Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Guri dhallin-yaro lagu xanaaneyo oo Xaley ku gubtey Norrtälje iyo dad lagu la'yahey

La daabacay tisdag 27 augusti 2013 kl 09.30

Guri ku yaala degmada Norrtälje oo lagu hayo dhallin-yarada ayaa xaley waxaa qabsadey dab, waxaana la la'yahey afar qof oo la maleynayo in ay dabka ku geeriyoodeen.

- Waxaan rajeyneyaa in ugu yaraan mid uu meesha ka baxsadey. Waxaa jira calaamado muujinaya sidaas. Laakiin sadexda kale wax war ah kamo heyno. Waxaan ka baqeynaa in ay dabka ku geeriyoodeen, ayuu yeri Christer Berg madaxa bad baadada laanta Räddningscentral Stockholm.

Alarmka ayaa waxuu soo gaarey laanta bad baadada xaley saqdii dhexe. Dab demisyaal ka socda afar station ayaa isku howlay deminta dabka.

Goorta dab-demiska soo gaarey guriga ayey xaqiisadeen in guriga dabka wado qabsadey.

- Dabka waxuu aha mid aad u holcayey oo qarax ku dhow, waxaa la arki karey in dadka guriga ey weli ku dhex jireen marka waxaan bilowney in aan guriga ka soo bixino, ayuu yeri Håkan Dahlbäck madaxa laanta bad baadada Stockholm.

Ilaa sideedqof ayaa la xaqiijiyey in hosbitaalka loo qaadey. Laakiin dhawacyadooda ayaa aheyn kuwo sidaas u darnaa.

Guriga oo gabi ahantiis danbas noqdey ayaa ahaa guri lagu xanaaneyno dhallin-yarada daryeelka caafimaad u baahan.

Lamo xaqiijin weli waxa dhaliyey dabkan laakiin booliska ayaa dhacdadan ciiwaan uga dhigey dab khatar ah oo ula kac loo kiciyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".