Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
ا
19 jir reer Malmö ah oo ku guuleeystay abaalmarinrta Wallenberg

Maalinta Wallenberg oo markii ugu horeeysay laga xuseyo Iswiidhen

Maanta oo salaasa ah 27-ka bisha agoosto ayaa markii ugu horeeysay la bixin doonaa bilad-sharafta abaal-marin lagu maamuuseyo Raoul Wallenberg.

Bilad-shaftan ayuu nasiib u yeeshay Siavosh Derakhti oo ku dhaqan magaalada Malmö, kadib kolkii uu dhowr sannadood hortood isaga oo 19-jir ah ku guuleeystay abuuritaanka urur dhallin-yaro oo loogu magac-darey "unga muslimer mot antisemitism - da'yarta muslimiinta ee ka soo hor-jeedda faqooqa qowmiyadda Yuhuudda".

Qiimaha bilad-sharafta Wallenberg oo ah 100 000 oo koron ayuu iminka ku sii fulin kari doono howlaha ururka. Abaal-marinta uu Derakhti ku guuleeystay ayaa lagu macneeyey "howsha geesinimada leh ee keli-nimada ugu tallabsaday iyo sidii looga hor-tegi lahaa neceybka jinsiga, midkaasina oo tusaale wacan u noqday magaalada bulshada ku dhaqan Malmö iyo dhammaan dalka oo dhan. Isagoona muujiyay in is-dhiibid la'aanta iyo dadaalka loo galo mabda la aamin-san yahay iyo inaan la ogolaan faqooqa uu macne yeelan karo. Biladda abaal-marinta Raoul Wallenberg ayay suurtagalisay taageero dhaqaale ee ka timid dawladda. Middaasina loogu talo-galey dadyowga hoowlahoodu u dhigmaan middii uu Wallenberg qudhiisu ku howl-geli jiray, isagoona ka badbaadiyay qiyaastii tiro gaareeysa 100 000 oo ka mid ahayd qowmiyaddii Yuhuudda xukunka fashiistada Hitler ee dalka Hungeriya. Maanta oo ku beegan 27-ka bisha agoosto ayaa ah markii ugu horeeysay ee dalkan laga xusbo maalinta Wallenberg. Hase yeeshee ey jiraan maalmo noocani oo kale ah oo laga xuso qeeybo ka mid ah gobolladda dalka Mareeykanka iyo dalka Kanada.

Abaal-marintan maalinta lagu qiimeeyneyo howlihii Raoul Wallenberg oo maanta oo salaasa ah la bixin doono ayuu ka qeyb-geli doonaa wasiirka is-dhex-galka Erik Ullenhag.

Isha/ kulturnutt

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".