Foto: Jonas Ekströmer/Scanpix

Guriga Norrtälje ku gubtey oo horey amnigiisa looga deyriyey

Guriga ku gubtey Norrtälje degmada Stockholm Stad ayaa horey iskaga diidey in ay dhallinyarada caawinta u baahan dejiso. Sababtana waxey aheyd in gurigan mararka qaar shaqaalaha ka howl-galaa ay u yaraayeen kuwaas oo aan damaanad qaadi karin amniga dhallinyarada la dejiyo iyo shaqaalaha halkas ka howl-gala.

 Sidaas waxey ku cadahey xukun ka soo baxey maxkmada maamulka Förvaltningsrätten oo uu heley Radiyaha Stockholm.

Kadib markii Stockholm Stad diidey in ay gurigaas dejiso dhallinyarada caawinta u baahan ayaa shirkada maamulsha guirgas u dacwootey maxkmada maamulka, laakiin maxkmada ayaa dacwadooda diidey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista