Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaalada Suuriya oo raad ku yeelatey qaar kamid ah dadka Iswiidhen

"Murugada halkas ka taagan nolal maalmeedkeyga raad weyn bay ku yeelatey"
2:21 min
Qaxooti Suuriyan ah oo fayl biyo ugu jira. Foto: Khalil Hamra/Scanpix.

Anas Abdulla waa Kurdi ka soo jeeda dalka Suuriya, Iswiidhen waxuu ku noolaa mudo 17 sanno ah. Waxuuna sheegey in uu markasta rejeenayey in aysan dhacin howl-gal reer galbeedka ku qaadan Suuriya, laakiin sida ay xaalada Suuriya isku badshey ayaa keentey in uu fikirkiisa badelo.

- Mar hadii aan hada u jeedoo rajimka oo hubka sunta ah ee wax gumaada dadka u isticmaalaya iyo Al-Qaacida oo qaybo kamid ah Suuriya maamulaya waxey ugu dhalisey in aan u arka howl-gal Suuriya lagu qaado in uu yahey wax wanaagsan. Waayo ma u maleynayo in rajimka uu si sahal ah isku dhiibayo. Waa dhab in howl-gal noocaas ah uu xaalada dadka uga sii darayo laakiin maxaan sameynaa? Hadii howl-gal militeri lagu qaado Suuriya dadka caadiga ah dhib waa ka soo gaarayaa, hadii aan lagu qaadina dhib waxuu dadka ka soo gaaraya sida uu rajimka quwadiisa u isticmaalayo. Dhinac kastaba dhibka dadka waa soo gaarayaa, ayuu yeri Anas Abdulla.

Waxuuna istaas ku darey in qoyskiisa ku nool Iswiidhen ay raad weyn ku yeelatey xaalada ka taagan dalka Suuriya.

- Raad weyn ayey ku yeelatey. Daqiiqad kasta ayaad ka fakireysaa, markaad aqrisid waraka ama ka daawatid tv:ga waxa halkas ka socda iyo halka ay ku socoto. Waa arin murugo leh. Sawirada Youtube iyo Facebook la soo geliyo narkaad aragtid caalool-sha ayaa ku rogmaneysa oo xun-qaaco ayaa ku qabaneysa. Sida dadka loo gooracayo xataa xoolaha looma gooroco. Ayuu yeri.

Waxa ka socda Suuriya markey maskaxdaada ku soo dhacaan hurdada ayaa ku dhibeysa, waxeyna qofka u keeneysaa in uu shaqadiisa gudan waayo ayuu raaciyey Anas Abdulla.

- Run ahaantii waxaan isku tax-luujiyaa in aan ahmiyad saaro shaqadeyda laakiin ma ahan runtii wax sahlan. Waayo waxa dhibaatado heyso waa dadkeyga. Marka laga fiiriyo insaanimada waa arin murugo leh xataa hadii aysan aheyn qaraabadaa, dad aad taqaanid oo saaxiibo tahiin iyo bulshadaada waxa dhibkan ku dhacayo. Murugada halkaas ka taagan nolal maalmeedkeygaq ayb weyn bay ka qaadataa ayuu yeri Anas Abdulla oo ka soo jeeda dalka Suuriya.

                              Repoter Ingrid Forsberg & Warsame Elmi

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".