Dhallinyaro loo maxkamadeynayo rabshadehii Husby

Shan ruux oo dhallinyaro ah loo maxkamadeynayaa rabshadehii ka dhacey Husby iyo Kista waqooyiga Stockholm gu'gii la soo dhaafey.

Mid kamid ah dhallinyaradan ayaa dacwada lagu soo oogey waxey tahay rabshada sameyn iyo gacan ka hadal uu u geystey ruux sarkaal ah.

Inta kale dhallinyaradan ayaa dacwadaha loo heysto waxey kalo yahiin iskudey hanti burbrin iyo diyaarin rabshad hanti burburin.

Dhamaan dhallinyaradan dacwda lagu soo oogey da'deedo waxey tahay 20-sanno jiro

Rabshadahan waxey dhaceen 19 bishii mey kadib makii afartameeyo dhallinyaro ah dab qabadsiiyeen baabuur dhagaxna ku tuureen booliiska iyo dab demiyaasha. Rabshada ayaa bilowdey kadib markii booliiska ay toogasho xafadaas ugu dileen nin 69 sanno jir ahaa.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".