Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xiisaha u galmoodka dhallaanka aan qaan gaarin oo sarreeya

La cusbooneeyay torsdag 29 augusti 2013 kl 13.14
La daabacay torsdag 29 augusti 2013 kl 08.35
SMS från de som vill köpa sex genom annonsen. Foto: Verkligheten i P3

Barnaamij ay diyaarisay idaacadda Iswiidhen P3 laanteeda ”Verkligheten – xaqiiqda” ayaa lagu ogaadey xiisaha ballaaran ee loo hayo u galmoodka dhallaanka

Xayeeysiin middaa la xiriirta oo la isku matalayey gabar 14-jir ah oo la dhigey aaladda internetka ayaa muddo toddobaad gudihiis ah waxaa la soo xiriirey tiro boqol kor u dhaafeysa.

Gabadha oo la siiyey magaca Emma. Ayaa lagula soo xiriirey qoraallo iyo telefoonno ey ka mid ahaayeen:

" Emma iska warran, aad ayaan u jeclaan lahaa inaan kulanno …"

Dhambaalka telefoonka dhacaya oo uu diray nin loogu magac-darey Anders. Isagoona sheegay inuu akhristay xayeeysiinta gabadha 14-jirka ah iyo inay sidii ay lacag ku sameeyn lahayd inay doonayso rag inay la kulanto. Xayaysiinta ayay ku muujisay inay 1 000 ku qaadanayso waxa loo yaqaanno ”oral sex” In la isu dhuuqo. Galma caadi ahna ay ku doonayso 2 000 oo koron.

Xayaysiintan ayay dhigtay laanta Verkligheten  P3 bog galmada lagu kala iibsado ee internet-ka. Muddo toddobaad gaarsiisan oo keliya ayey raga ad u badani xiriir la soo sameeyeen.

Qiyaastii 50 telefoon, 30 farriimmo qoraal iyo soddomeeyo mail iyo SMS ah.
– Waa maxay waxa aad doonayso?
– Maxaad ii ogoshahay inaan sameeyn karo? hihi.

Suxufiyad ayaa matalaysay gabadha 14-jirka ah iyadoona telefoon u dirtay ninkii xayaysiinta ka soo bixiyay jawaabta. Da’da yar ee gabadha ayaa xiisa geliyay, sida uu sheegay Anders.
– Da’da yar ee aad jirto ayaa i soo jiidatay.

Wada-hadalkaa dabadeed ayuu suxufi kale telefoon kula xiriiray ninkaa.
– Laakiin 14-jir waa ilmo yar mise?
–Khasab maaha inay ilmo yar tahay. Mana hubo inaan fikirkaa kula qabo.

Isha/ P3

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".