Sawirle; Scanpix

Qurbajoogta oo ka shakisan dib ugu laabashada Soomaaliya

5:22 min

Weerarkii arbacadii toddobaadkii ina dhaafay Muqdisho loogu geeystey xubno ka tirsan xisbiga Bidixda "Vänster Partiet" wuxuu dib u dhac ku keeni karaa taageeradii ey qurba-joogta reer Iswiidhen gacan uga geeysan lahaayeen dib-u-dhiska dalka, sida uu sheegay Cabdiqani Jaamac Maxamed oo ey aqoonin dheer isu lahaayeen laga bilaabo horraantii maajo 2008 Cabdiraxiin Xasan oo weerarkaa ku geeriyooday.

Abaaraa labadii duhurnimo arbacadii toddobaadkii ina dhaafay ayuu ku geeriyooday Cabdiraxiin Xasn oo 24 jir ahaa, oo weerar lau soo qaaday iyaga oo uu kusugan gaari ey markaa kaga soo baxeen jaamicad ku taala magaalada Muqdisho oo ey ka dhiibeen siminaar isaga iyo Ann-Margrethe Livh oo labaduba ka tirsanaa xisbiga Bidixda ee Vänster partiet. Isla goobta ayuu sidoo kale ku geeriyooday waardiyihii la socday iyo dhaawac meelo kala duwan ka soo gaaray Ann-Margarethe Livh, hogaamiyaha xisbiga Bidixda laantiisa hoggaanka Istockholm. Haddaba Cabdiqani Jaamac Maxamed oo aqoon dheeri ah u lahaa Cabdiraxiin, isla-markaana wax ka ogaa safarkiisii uu ugu ambabaxay magaalada Muqdisho. Maxay ahayd muhiimadda ka dambeeysay iyo hoowlaha uu halkaa u tagay inuu ka soo qabto?

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista