Sawirle: Catrin Reth / SR

Go'aan maxkamad la dhoowrayey oo maanta lagu dhawaaqi doono

Abaaraa labada duhur-nimo ee maanta oo khamiis ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa go'aanka maxkamad si aad ah loo hadal-hayey intii ey socotay looguna magac-darey "Södertälje Målet - go'aan maxkamadeedkii xaafadda Södertälje".

Waxyaalaha lagu xasuusto maxkamaddan ayuu ka mid ahaa iyada oo laba jeer la qaadey, markii mid ka mid ah garsooreyaashii furitaankii maxkamadda in aannu cadaalad ka noqon karin.

Go'aanka maxkamadda ayaa la xiriira tuhun dembiyo loo haysto 18 ruux oo la xiriira baad iyo saddex dil oo dad qudha looga jarey. Iyadoona qaar badan oo ka mid ah eedeeysaneyaasha ey ruumka ku jireen muddo dheer:
- Howl-galkii ciidanka ammaanka ee dacwaddan iyo muddadii ey ruumka ku jireen eedeysaneyaasha ayaa hor-seeday in xaafadda Södertälje ey hoos u dhaceen dembiyadii. Kooxa isku xulufeeysta dembiyada ayaa maanta ku sugan argagax iyo sidii ey uga soo kaban lahaayeen jabkii ka soo gaaray howl-galkii ciidanka ammaanka, waxeyna ku mashquul-san yihiin sidii ey dib isugu habeeyn lahaayeen o onabarrada soo gaarey u dhayi lahaayeen, sida uu sheegay Anders Göranzon, madaxa laanta daba-galka ciidanka ammaanka ee xaafadda Södertälje.  chef för spaningsroteln vid polisen i Södertälje.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".