Khasnadda A-kassa

Fikirka ururka LO ee la xiriira gunnada dadka shaqa la'aantu asiibtey

Ururka daladda shaqaala ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno LO ayaa shaaciyay in jaranjaro saddex tallaabo ah kor loogu qaado gunnada la siiyo shakhsiyaadka shaqa-la'aanta ku sugan, si aakhirka loo gaaro heer ey qaataan 90% mushaarradii ey qaadan jireen kolka ey asiibto shaqa-la'aan.

  "Mustaqbalka dhow ayaan u aragnaa in 70% xoogsatadu qaataan 80% mushaarka ama gunnada. Xaaladda iminka ayaa ah in gunnadii shaqala’aanta heer hoose la gaarsiiyey, waxaase loo baahan yahay in dib u habeeyn lagu sameeyo middaa, sida uu war-geeyska Dagens Nyheter ku soo daabaceen shakhsiyaad uu ka mid yahay hogaamiyaha ururka daladda shaqaalaha LO Karl-Petter Thorwaldsson.

Hase yeeshee uu hogaamiyuhu soo jeediyay in saddex jaranjaro loo kala qaado si aa is-bedelku u noqon mid ay ku baxdo miisaaniyad fara badan. Tallaabada ugu horreeysana noqoto in gunnada maalintii noqoto 900 halka maanta midda ugu sarreeysa tahay 680 koron.
Iyo in si loo miisaaniyad-geliyo loo baahan yahay in qidmadda kor loo qaado.

                                                                         kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".