Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.

Ganacsatada dhirta oo dhaqaalahoodu hoos u dhacey

Xilli aan wanaag-saneyn ayaa la soo gudboonaadey ganacsatada ka baayacmushtarta dhirta iyadoona uu hoos u dhacay qiimihii lagu kala iibsan jiray lixdii bilood ee sannadka ugu horeeyey, sida ay qortay hayadda wararka Iswiidhen ee TT oo soo xigatay war-bixin uu dalbaday ururka LRF.

Sannadkii la soo dhaafay ayuu qiimuhu hoos u dhacay 2%, muddo 15 sannadood ah oo qiimuhu kor u kacayey, iyadoona uu hoos u dhucu halkiisii ka sii socday sannadkan eynu ku jirno ee 2013. Lixdii bilood ee sannadka ugu horeeysay ayuu isku celcelin hoos qiimuhu u dhacay 4% kolka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay.

Hoos u dhaca qiimaha ayaa loo nisbeeyyey iyada oo ay hoos u dhecday baahidii qalabka dhismaha iyo waraaqaha. Hase yeeshee la oran karo isku celcelin muddo 10 sannadood ah in qiimuhu yahay mid macquul ah, sida uu qoray ururka LRF.

Isha/ TT

                                                                      kenadid.mohamed@gu.se

                                                        

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".