Sawirle: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.

Qeeybo ka mid ah cusbital oo uu ka dhacay dab

Afar qeybood oo ka mid ah goobaha lagu xanaaneeyo bukaanka iyo lixdameeyo bukaan oo goobahaa ku sugnaa ayaa laga saarey kolkii uu dab xooggan ka kacay cusbitaalka dhexe ee magaalada Karlstad subax-nimadii saaka 08:30, sida ay qortay hayadda wararka Iswiidhen ee TT.

Laba ka mid ah shaqaalaha dhismaha oo isku dayey iney dabka wax ka demiyaan ayaa cusbital loola cararey maadaama ey neefsadeen qaac sun ah si xaaladdooda caafimaad loo hubsado.

Qaybta gubatay ee isbitalka ayaa ah qayb cusub oo uu dhisme ku socday.

Saacad dabadeed ayaa dabkii la demiyey intii aanu ku faafin isbitalka, iyada oo bukaanka looga saarey markii hore si ammaankooda loo sugo.

Isha/ TT

                                                                         kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".