Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xayiraadda Obama ee gadiidka waddooyinka nawaaxiga Istockholm

La daabacay fredag 30 augusti 2013 kl 10.55
President Obama vid ett tal han höll på National Defense University i maj i år, där han argumenterade för att terrorkriget måste få ett slut. Foto: Carolyn Kaster/Scanpix

Maalmaha gaaban ee uu madax-weynaha dalka Mareeykanku booqashada ku mari doono dalka Iswiidhen magaalad-madaxdiisa Istockholm ayaa saameeyn ballaaran ku yeelan doonta isaga gooshka faras-magaalaha iyo nawaaxigeedaba, sida uu sheegay Mats Freij oo ka howl-gala hayadda maamulka gaadiidka:

Waxaan qiimeyneynaa in safarrada madax-weyne Obama iyo martida kale ee la socotaa ey xaddidi doonaan isga gooshka magaalada iyo qeeybo badan oo nawaaxigeeda dhaca illaa iyo waddooyinka soo gala garoonka dayuurradaha ee Arlanda. Waxay noqon doonaa muddadaasi mid ka sii yara adkaada isaga gooshku.

Faras-magaalaha ayaa dhibaato ey ku qabi doonaan iska daa gaadiidka'e xitaa isaga socodka waddooyinka, maadaama waddooyin badan la xiri doono:

Basaska gaadiidka dad-weynaha ayey caqabado la soo gudboonaan doonaan iyadoo basaska qaarkood la joojin doono muddadaa, halka qaarkoodna ey si aad ah uga dib dhici doonaan saacadihii loogu talo-galey. Sidoo kale wuxuu is-bedel ballaaran ku iman doonaa socdaalka doonyaha. Sidaa daraadeed ayaa loogu war-gelineyaa bulshadu iney ku socdaasho tareemmada dhulka hoostiisa ama dushiisa mara.

Sidoo kale haddii iney wanaag-sanaan lahayd in guryaha lagu shaqeeyo haddii ey suurta-gal tahay, maadaama ey adkaanayso u kala gooshka magaaladu:
- Taladayadu waxay tahay inaan la isku dayin in lagu shaqa tago gaari. Haddii falkaa lagu tallaabsadana lagu talo-galo inay qaadan karto muddo dheer. Dhanka kale waxaa iyaduna wanaag-san in la iska hubiyo saacadda dayuurraduhu baxayaan inta lagu guda jiro muddada uu madax-weyne Obama booqashada ku joogo dalkan.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".