Annie Lööf. Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix

Dawladda oo ku talo jirta inay sahasho xeerarka shirkadaha yaryar

Dawladda dalkan Iswiidhen ayaa ku miisaaniyad-gelin doonta afarta sannadood ee foodda innagu soo haya miisaaniyad gaarsiisan 844 malyuun oo koron sidii loo sahli lahaa xeerarka shirkadaha yaryar lagu hago.

Maqaal ay war-geeyska Dagens Industri ku daabacday wasiiradda manaafacaadka Annie Lööf (hogaamiyaha xisbiga Dhexe) ayay ku sheegtay qorshe loogu howl-geleyo sidii loo sahli lahaa caqabadaha xeerarka kala soo gudboonaada shirkadaha yaryar.

Gaar ahaan waxaa shirkadaha yaryar laga dul-qaadi doonaa masuuliyadda ah war-bixinta billaha ah, in loo sahlo kireeynta goobo lagu howl-galo iyo xilliga la dhiibo xisaab-xirka cashuurta dahsoon oo lala simo xisaab-xirka dakhliga ee sannadka.

Ilaha/ DI,TT

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".