Sawirle: Johannes Rosendahl/Sveriges Radio

SKL oo tababar u bilaabaysa wakiillada dhallaanka kelida ku yimaada

Cabdi Cade: Weli ma arag soomaali wakiil ah
7:08 min

Ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno SKL, ayaa dhowaantan, bishan septeembar ee foodda innagu soo haysa bilaabaya tababar tijaabo ah ee loogu tala-galey sidii tababar ey u heli lahaayeen wakiillada dhallaanka magan-gelyada dalkan u yimaada iyaga oo aaney la socon waalidkood ama ciddii mas’uulka ka ahayd (ensamkommande barn), waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Godman.

Horay waa ey u jireen ururro iyo gobollo tallaabooyin noocaniya ku dhaqmi jirey, hase yeeshee looga gol leeyahay markan sidii loo hor-marin lahaa, isla-markaana dalka oo dhan looga hir-gelin lahaa, sida ay sheegtay Elisabeth Svedberg, ahna maamulaha qorshahan oo ay maal-gelintiisa gacan ku leedahay khasnadda qaxootiga ee Yurub:
- Goolkayegu wuxuu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka dhallaanka keli-nimada dalkan ku yimaadda. Iney helaan wakiil garwaaq-san hoowlaha looga fadhiyo ama hor-yaala iyo waajibaadka saaran. Wakiil howshiisa u qaata si mudnaan leh, sida ay sheegtay.

Dhallin-yarada kelini-nimada dalkan ku timaadda iyagoo aaney la socon waalidkood ama masuuliyaddooda ciddii ay saarnayd ayey badankood sannadihii ugu dambeeyey ka soo jeedeen waddammo dhowr ah oo Soomaaliyana ay hor-muud ka tahay. Cabdullaahi Maxamuud oo ku magac-dheer Cabdi Cadoow ayaa dalka soo galay sannadkii 2010, isagoo aaney la socon waalidkii dhalay ama ciddii masuulka ka ahyd. Cabdi Cadow ayaa noo sheegay mar uu aannu wareeysi kaga qaadney xarunta idaacadda inuu caqabado kala kkulmay wakiilkiisii waagaa: 

Wakiil ka noqoshada dhallaanka kelinimada dalkan ku yimaada ayaa looga fadhiyaa iney qaadaan masuuliyaddii waalid-nimo iyo middii noloshaba, haddey noqon lahayd dhanka dhaqaalaha, tacliinta, xiriirka heyadaha, difaaca xuquuqdooda iyo wixii la mid ah. Halka nidaamkan aqoon-kororsiag ee dhowaantan la bilaabi doono loogu talo galey sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigooda aqooneed ee la xiriira howlaha looga fadhiyo. Sidee ayey uga caawin karaan muddada lagu guda jiro dalabka deggenaansho ee ilmaha? Waa kuwee heyadaha loo baahan yahay in xiriir lala sameeyo? Kulammadee ayaa wakiilka waajib ku ah inuu goob-joog ka ahaado?.

Dhammaan macluumaadkaasi waxey ka mid yihiin barnaamijka aqoon-kororsiga ee loogu talo galey sidii wakiilladu uga soo bixi lahaayeen xilka ey dusha u riteen.

Sidoo kale in lala socodsiiyo xuquuqda dhallaanku leeyihiin. Waana howlo loo baahan yahay, sida uu sheegay Cabdullaahi Maxamuud: 

Horay ayay u taagneyd baahida loo qabay in la helo wakiillo aqoon u leh masuuliyadda ey dusha u riteen, iyadoo sidoo kale laga fulin jirey goobo ey ka mid yihiin, ururka badbaadada dhallaanka (Rädda barnen), Laanqeeyrta cas (Röda korset) iyo degmada Göteborg. 

Howsha iminka ayaa la xiriirta sidii meel la isugu geeyn lahaa waaya-aragnimmada laga heley ururrada iyo maamulka degmada Göteborg, isla-markaana loo hor-u-marin lahaa oo loo gaarsiin lahaa heer qaran, sida ay sheegtay Elisabeth Svedberg. Iyada oo qaybta ugu horeeysa ee aqoon kororsiganina la xiriirto mid laga daalacaneyo bogga internetka:
- Waxaa halkaa lagu qaadaa-dhigeyaa hab-socodka dalabka magan-gelyo doon. Qaabka uu yahay. Kulammada loogu yeereyo wakiilka ilmaha – si loogu diyaar-garoobo. Sida nidaamku yahay – laga bilaabo dalabka illaa iyo racfaanka laga qaato ee maxkamadda loo gudbiyo. Fikrado badan ayaa ku yaala loo baahan yahey in la ogaado waxa ey ka dhigan yihiin.

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".