Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Reilfeldt: Ma rumeeysni in fal milateri xal lagu gaari karo

Reinfeldt: Tallaabooyinka aan qaadnaa waa inaan ku gaarno xalka
3:02 min

Madax dawladda ee dalka Iswiidhen Fredrik Reinfeldt oo toddobaadkan kulan la yeelan doona madax-weynaha dalka Mareeykanka Barack Obama ayaa sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee SvT laanteeda Agenda inuu doonayo in xal siyaasdeed lagu gaaro nabad waarta ee ka aloosanta dalka Suuriya. Iyo in loo baahan yahay in suurtagal wakhti ah la siiyo howlaha ay waddo hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey.

– Waxay noola muuqataa inay muhiimad ku fadhido in wakhti la siiyo hoowlaha hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey ay faraha kula jirto. Iyadoona uu go’aanka uu qaatay Barack Obama-na yahay mid suurtagelinaya middaa, sida uu sheegay madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfaldt oo wareeysi siiyay idaacadda SvT laanteeda Agenda.

– Goob-joogeyaashii hayadda Qarammada Midoobey ayaa iminka ka soo laabtay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya. Aan bal marka ka war-dhowrno farriimmahooda la xiriira isticmaalka fooosha xun ee hubka kiimikada.
– Aan u ogolaanno in hayadda Qarrammada Midoobey ey middaa xal nabadeed ugu raadin lahayd., sida uu sheegay Reinfeldt. Waana go’aanka dawladda Iswiidhen middaasi uuna ku oran doono madax-weyne Barack Obama kolka uu booqashada dalkan ku yimaado iyadoona ey kulan wada-qaadan doonaan maalinta arbacada ee toddobaadkan eynu ku jirno.
– Waa dhabbada siyaasadeed ee dalkan. Dhanka kale waan fahmi karaa jah-wareerka mareeykanka arrinkaa kala soo gudboonaadey iyadoona hayadda Qarammada Midoobey la aasaasey gabagabadii dagaalkii labaad ee adduun-weynaha oo ey dhowr waddan oo keliya awood ballaaran ku leeyihiin, sida uu sheegay Reinfeldt.
– Waxaana marar badan loo isticmaalaa awooddaa sidii la isugu jallaafeyn lahaa.
– Hase yeeshee wakhtigan aan iminka nool-nahey waxaa la xaqiijiyey in dembiyada bani-aadamka laga galaa aaney ahyn kuwo loo dul-qaadan karo oo loo baahan yahay in jawaab cad laga bixiyo.

Looma baahna in la qaado tallaabo ciidan lagu howl-gelineyo

Su’aal si toos ah loo waydiiyay madaxa dawladda, lana xiriirta in loo baahan yahay weerar lagu qaado suuriya, ayuu Rainfeldt uga jawaabay si aan toos ahayn oo shaki ku dheehan yahay.

– Way igu adag tahay inaan arko guusha lagu gaari karo. Ma qabo in tallaabo milateri uu dalkaa xal u noqon kari lahaa dhibaatooyinka ka aloo-san.
– Waa inaan ka dhiidhinno isticmaalka hubka kiimikada ah, hase yeeshee tallaabooyinka aan qaadeynaa hor-seedaan natiijada la dooneyo in la gaaro.

                                                                           kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".